Qaramada Midoobey oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo dembiyada dagaal ee...

Qaramada Midoobey oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo dembiyada dagaal ee ay Israa’iil ka geysatay Gaza

313
0
SHARE

Geneva-(SONNA)-Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo dembiyada dagaal ee Israa’iil ay dhawaan ka geysatay marinka Gaza ee Dhulka Falastiin.

Madaxa xuquuqda aadanaha ee QM, Zeid Ra’ad al-Xuseen oo ka hadlay kulan khaas ah oo ay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM ku yeesheen Maanta  Magaalada Geneva ayaa lagu go’aamiyay in halkaasi loo diro Guddi Madax bannaan oo baaritaan ku sameeya eedaymaha ku aadan dembiyada dagaalka ee ay Israa’el ka geysatay Gaza.

Zeid Ra’ad al-Xuseen, ayaa sheegay in Israa’iil ay si bareer ah u xaqirtay xuquuqda bani’aadamnimo ee 1.9 malyan oo Qof oo ku nool Gaza, wuxuuna ku baaqay in la sameeyo baaritaan caddaalad ah oo Madax bannaan.

In ka badan 100 Qof oo Shacabka Falastiin ah ayaa ku dhimatay mudaharaadyo nabadeed oo Jiidda Gaza ka soconayay Lix Todobaad oo xiriir, markii ay Ciidamada Israa’iil la dhaceen dibed baxayaasha Rasaas nool-nool.

LEAVE A REPLY