Cudurka Ebola oo fara ba’an ku haya Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah

Cudurka Ebola oo fara ba’an ku haya Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah

197
0
SHARE

Kinshasa-(SONNA)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa digniin ka bixisay heerka Cudurka Ebola ee dhawaan ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, kaasoo laga yaabo inuu ku sii faafo qaybo badan oo Dalkaasi ka mid ah.

War saxaafadeed, ay Maanta soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Guud ee WHO,Tedros Adhanom Ghebreyesus, uu si deg deg ah ula kulmi doona guddiga u xilsaaran xakamaynta Cudurkan si uusan usii faafin.

Cudurkan cusub ee Ebola ayaa 8-dii May ee Sanadkan ka dillaacay qaybo ka mid ah Gobolka  Equateur iyo Dhulka miyiga ah, isagoo halkaasina ku dilay 23 Qof, iyadoo laga baqdin qabo inuu kusii faafo Magaalada Mbandaka iyo degaannada ku xeeran.

Cudurkan Ebola ayaa Saddex waddan oo ku yaalla Galbeedka Qaaraddan Afrika ka dillaacay inta u dhaxaysay 2013-kii illaa 2015-kii, isagoo galaaftay nolosha Dad ka badan 11,300 oo Qof.

Isha/ AFP

LEAVE A REPLY