Guriga R/wasaarihii hore ee Malaysia oo laga heley lacago badan iyo Dahab

Guriga R/wasaarihii hore ee Malaysia oo laga heley lacago badan iyo Dahab

961
0
SHARE

Malaysia(SONNA) Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Reuters,War ay soo saareen Booliiska dalka Malaysia ayaa lagu sheegay in ay qabteen boqollaal kaartoon oo ay ka buuxaan waxyaabo qaali ah iyo boorsooyin ay jiraan lacago qalaad, kuwaas oo laga helay Guri lala xiriiriyay Ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq.

Arrintani ayaa ka dambeysay kadib markii Baaritaanno lagu sameeyay dhismeyaasha ku yaalla Kuala Lumpur,kaasi oo lala xiriiriyay baaritaanno lagu hayo dhaqaalaha mashruuca horumarinta ee 1MDB, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka dalkaasi.

Eedaymaha musuqmaasuqa ee loo soo jeediyay mashruuca 1MDB ayaa qayb wayn ka ahaa waxyaabahii guul darrada u horseeday Najiib, doorashadaasna waxaa ku guulaystay Mahathiir Maxamed oo ay horay xulafo u ahaan jireen.

Wararka qaar ayaa sheegayaa in ay jiraan balaayiin doollar oo aan la xisaab xirin oo qayb ka ahaa mashruucan uu Najiib sameeyay,waxaana Raiisul wasaarihii hore ee Dalkaasi Najib Razak laftirkiisa lagu eedeeyay in uu qaatay 700 oo milyan oo doolar,inkastoo uu eedaasi iska fogeeyey.

Madaxda Dawladda Malaysia ayaa sheegay in uusan wax gaf ah samaynin, balse dhawr dal oo kale ayaa baaritaan ku billaabay.

Mr Mahathir  Maxamed oo ah Ra’iisul wasaaraha cusub ee wadankaasi ayaa sheegay in uu ka baaraan dagayo in uu dib u furo dacwaddaas, wuxuuna rumaysan yahay in dib loo heli karo lacagta la lunsaday, Najiibna wuxuu ka mamnuucay ka bixitaanka dalka.

Hawgallada Booliisku ay ka sameeyeen xafiiska Najiib, Guriga uu daggan yahay ee khaaska ah iyo dhismeyaasha kale ee lala xiriiriyay oo ku yaalla bartamaha Magaalada ayaa socday maalmihii la soo dhaafay iyadoo warbaahinta loo soo bandhigayo.

Waxaana dhacday mar loo yeeray qof qufullada jabiyo si loo soo saaro lacag guriga Najiib taallay,Amar Singh oo Booliiska u hadlay ayaa saxafiyiinta u sheegay in waxyaabaha la soo qabtay ay ku jiraan 284 boorso oo kuwa qaaliga ah gacanta lagu qaato.

Waxaa wararku ay intaasi ku darayaan in Askarta ay baartay 72 boorso oo laga helay lacago kala duwan oo ay ka mid yihiin midda Ringgit ee dalka Malaysia, doolar, dahab iyo saacado.

LEAVE A REPLY