Maamulka Ceelbarde oo dhul ku warejiyay HSJ lana dhagax dhigay

Maamulka Ceelbarde oo dhul ku warejiyay HSJ lana dhagax dhigay

543
0
SHARE

Ceel-berde(SONNA)–Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta la wareegtay dhul ay ku wareejiyeen maamulka Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, kaasi oo loogu talagalay in laga dhiso xarunta Hey’addu ku yeelaneyso Ceelbarde.

Ku xigeenka Agaasimaha guud HSJ Cabdfitax Ibrahim Cumar Shaaweye ayaa ka gudoomay maamulka degmada Ceelbarde dhulka ay ku wareejiyeen Hey’adda isla markaana waxa uu agaasiamha isla maanta dhagax dhigay dhulka lagu wareejiyay si loo bilaabo dhismaha Xarunta Hey’adda ee Ceelbarde.

Safarka uu agaasime ku xigeynka ku gaaray Ceelbarde ayaa waxaa ku wehliyay agaasimaha Laanta Hey’addu ku leedahay Koofur Galbeed Cali dhuux, Agaasimaha Howlaha Xasan iyo taliyaha Hey’adda.

Hey’adda Socdaalka ayaa dhawaan ka furatay Xafiisyo kan la mid ah Magaalooyinka Qardho iyo Galdogob oo ka kala tirsan Gobolada Bari iyo Mudug, kuwaasi oo laga boxin doono howlaha adeega ee Hey;addasi, iyadoo kuwa kalena hore looga furay Gobolada Dalka, si Muwaadidiinta Soomaaliyeed loogu fududeeyo helidda Baasaboorka iyo kaararka Aqoonsiga.

LEAVE A REPLY