Kuuriyada Waqooyi oo Hakisay Wada hadalkii ay kula jirtay Koofurta Kuuriya

Kuuriyada Waqooyi oo Hakisay Wada hadalkii ay kula jirtay Koofurta Kuuriya

428
0
SHARE

PYONYOUNG: SONNA:- Madaxwaynaha waqooyiga kuuriya ayaa ku dhawaaqay in wadahaladii waanwaanta ahaa ee u dhaxeeyay koonfurta kuuriya uu hakad galiyey.

War ka soo baxay Warbaahinta Wadanka Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu sheegay arintaas, waxaana Madaxwaynuhu ku sababeeyay hakadka wada hadalkaa in Mareykanka iyo Koofurta Kuuriya ay dhoolotus-ka Miitari ka wadaan xuduudka u dhaxeeya labada kuuriya ayna yihiin kuwo dagaal loogu diyaargaroobayo, Waxaana uu u arkay dhoolatuskaa ififaalo dagaal oo lala damacsanyahay dalkiisa.

Dhoolatuska ay ka cabaneyso Kuuriyada Waqooyi ee ay wadajirka u wadaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ah mid loogu magac daray Max Thunder wuxuu bilowday Jimcihii, waxaana ka qeyb qaadanaya boqol diyaaradaha dagaalka ah oo ay ku jiraan kuwa duqeynta culus geysta ee B52 iyo nooca F15K.

Sidoo kale waxa bisha soo socota 12-keeda la filaayey in labada hogaamiye ee Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ay kulmaan, taas oo dadka siyaasadda falanqeeya ku macneeyeen qaadacaada wada hadalka in aanay Munaasabad noqon doonin.

LEAVE A REPLY