DHAGEYSO: Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka”Dhalinyarado waa in ay ka qeyb...

DHAGEYSO: Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka”Dhalinyarado waa in ay ka qeyb qaataan dhismaha Qaranimada”+sawirro

457
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed mudane Maxamed Mursal Sh C/raxmaan oo xalay ka qeyb galay Munasaabad lagu xusayay sanad guuradii 75 ee kasoo wareegtay aas aaskii dhalinyaradii SYL oo ku beegneed 1943 ayaa hambalyo u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada.

 

Mudane Maxamed Mursal Sh. C/axmaan Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhaliyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Qaranka ayna iska ilaaliyaan fikradaha ay faafinayaan maleeshiyaadka nabad diidka Al-shabaab kuwaas ku howlan bur burinta Dalka.

Xuska 15-ka May oo xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka qeyb galay  Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Ssoomaaliya , Duqa magaalada Muqdisho, Wasiirro ay  ugu horeyso Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha,Xildhibaanno iyo marti sharaf kala duwan.

LEAVE A REPLY