Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/wasaaraha oo ka qeybgalay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Dhallinyarada...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/wasaaraha oo ka qeybgalay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Dhallinyarada 15-ka May

320
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalinta Dhalinyadda Soomaaliyeed ee SYL ayaa Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu dhiiro galinayo Dhalinyradda Soomaaliyeed.

Waxaa soo qaban qaabiyey Urur Dhlainyaro ah kuwaas oo ka shaqeeya Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaa kala qeyb Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iidul Wasaaraha Soomaaliya.

Maxamed Warsame shandhool Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada ayaa sheegay in dhalinyaradii Soomaaliyeed ee SYL ay ka tageen waxyaabo badan oo muhiim ah kuwaas oo looga baahan yahay dhalinyaradda hadda joogta inay ka faa’iideystaan.

“Waxaan aad u boorinayaa dhalinyaradda Soomaaliyeed inay qaataan doorkii ay qaateen dhalinyaradii SYL kaas oo aan arrimo badan ka baraanay runtii waxaa ay qabteen ama noo keeneen Xoriyada ay hadda ku naaloonayaan Shacabka Soomaaliyeed”

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C.laahi Xaamud ayaa dhankiisa tilmaamay  in Dowladda hadda jirta ay tahay Dowladii dhalinyarada loona baahan yahay in dhalinyaradu qeyb muhiim ah ka qaataan Hormarinta Dowladnimada Soomaaliya.

“Dowladu waa dowladii dhalinyarada, dhalinyaradii Soomaaliyeed waxaana rabnaa in aanmarkasta xasuusano dhalinyaradii SYL, waxaan balan qaadeynaa in doorta dhalinyaradda Soomaaliyeed ka dhexmuuqdo Dowladda Soomaaliya taasna waxaa ay kamid tahay Qorshayaasheena ugu horeeyo.

Ururkaii Dhalinyaradda ee SYL oo ka koobnaa 13 Dhalinyaro ah ayaa waxaa la-aasaasay 1943 waxaana laga joogaa 75 Sano walina waxaa dadka Soomaaliyeed ku weyn Xornimada Soomaaliya iyo qaabkaa ay u mareen.

LEAVE A REPLY