Ogow inagaa u baahan,haa waa run iyadu inooma baahna

Ogow inagaa u baahan,haa waa run iyadu inooma baahna

159
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Ogow la,aanteed nololi suurto gal ma aha,mana dhacdo,waayo waa aasaaska nolosha dadka iyo dhamaan makhluuqa koonka,iyada u ah astaan iyo diirad hagta oo aanay ka maarmin waxay u tahay nuur iyo naruuro,waxay suuro galisaa oo ay bartaa dhamaan insaanka iyo xayawaanaadka in ay ku naaloodaan farxad iyo rayn rayn,way sifayaal badan tahay oo marba dhan iyo dhinac bay kaa tustaa mustaqbalkaaga dhaw iyo kaaga dheerba,waxay kaa waraabisaa togag malab ah,waxay ku siisaa qalanjooyinka ragba wada doonay guurkooda ,iyada oo waliba kuugu darta caruur qurux badan oo indhahaaga iyo kuwa dadkaba u fiican,waxa intaas u sii dheer in iyadu ay dheeri kaaga dhigto maal aduun oo aan qiyaas lahayn.

Dadka badankiisu wa dhalaal iyo dhoola-cadayn badan yahay marka ay quudinayso,isla markaana ma tusto baqdin iyo cabsi,way la jirtaa,haa!!!!!! way la jirtaa,waayo,maxay ula jiri wayday waabay ogoshahaye, waxay kasbatay maankiisa waxaanay si degani ah ula socotaa kaynaanka xawaarihiisa dhiiga iyada oo si xawli ah u dhex-qaadaysa halbawlayaasha iyo xididada uu hago wadnuhu, kamana dhigto mid kacsan ee goor walba waxay jeceshahay in ay ku soo dabaasho dareen hufan iyo deganaasho aan qiyaas lahayn, wax kasta iyadaa ka wacan ee ku noolow.

Waxay maskadiisa siisaa dareen xasiloon iyo xigmad uu ku fekero,taas oo uu qofku ku abla-ableeyo hadba ficilka saxda ah ee uu rabo in uu ku dhaqaaqo,waxay ka caawisaa in uu qofku han iyo hadaf sare yeesho, waa baraadhe ALLAH(SWT) bixiyo,waa waxaan la dhayalsan karayn waa wax aan la iibsan karin,waana wax uu aad u dheer-yahay helitaankeedu hadii ay faraha ka baxdo ama ay dabarka iyo hoggaankaba goosato, ku darsoo waxay hadhaysaa oo ay berde u tahay cid kasta, waa aabe, waa hooyo, waa tol, wae ehel,qaraabo xidid iyo xigaal, waa dawlad calan leh.

Ogow hadaad diido waxaa ka iman karaa waa khasaare aan la soo koobi karin,waa jabkaaga iyo hoogaaga,waa qaxaaga iyo balan-balkaaga,waxaanay kuu hayaamisaa waa haraad iyo diif kulul,waa dhac iyo boob,waa dhimasho iyo geeri,waxaanay kugu furaysaa ban cidla ah iyo lama dagaan aan xaab iyo xabuuba lahayn,ma hawaysanaysid horumar ee waxaad helaysaa hoog,waxaad waayaysaa wax kasta oo aad jeclayd,waxaanad helaysaa wax kasta oo aad necbayd,waxaad ka cararaysaa ubadkaaga,ooridaada,aabahaa iyo hooyadaa iskaba daa ehel iyo qaraabo kale warkooda.

Haw yeedhan,waa runtay!!!!!!!ee haw yeeraan inta aanad shalaayin,haa…….. la,aanteed waa yaab iyo amankaag,waxay ku gayeysiinaysaa in aad naftaada nacdo, barakacuna waa aabaheed, ogow nina kuma faa,ido, nin kastoo diidayna wuxuu ka dhacay jar iyo shalow aad u dheer, haw qayla-dhaamin, kii hortaa u yeer-yeeray ku cibro qaado, bal eeg halka ay marisay iyo meesha ay kaga tagtay, imisaa diiday oo ay iil iyo daluumo u qoday ,imisaa iyada daan-daansaday oo la waayey meel ay raq iyo ruux dhigeen.

Saxibayaal nabadu waa shayga keliya ee lagu gaari karo horumar iyo baraare, taas oo dawladnimadana ka dhigta tusaalaha ugu fiican ee lagu faani karo, waxaan uga jeedaa sarbeebahaa kor ku xusan in shacabka soomaliyeed la shaqeeyaan ciidamadda nabada ka shaqaynaaya,kuwaas oo habeen iyo maalin heegan u ah sidii ay u ilaalin lahayeen shacabkooda,kuwaas oo ay kooxaha xag-jirka ahi caadaysteen daadinta dhiigooda.

Waxaan dadwaynaha soomaliyeed ku boorinayaa in ay la shaqeeyaan ciidamadda amaanka, isla markaana u dul qaataan mararka yar ee wadooyinku xiran yihiin,taas oo macnaheedu tahay in ciidamadda amnigu sugaan amaanka dalka iyo ka caasimadaba.

W/Q Fowsi Ibraahim Cumar(Feero)

LEAVE A REPLY