Shirkadda BECO oo mar kale qiima dhimis samaysay

Shirkadda BECO oo mar kale qiima dhimis samaysay

925
0
SHARE

Muqdisho-(SONNA)-Shirkadda Korontada BECO (Banaadir Ellectric Company) ayaa mar kale macaamiisheeda u samaysay qiimo dhimis ballaaran.

Madaxa howl gelinta BECO, C/risaaq Maxamed Xalane oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee shirkadda ayaa sheegay inay marar badan dhimeen qiimaha korontada, haatann ay ay tahay markii Afaraad oo ay macaamiishooda ka dhimaan sicirka.

Xalane ayaa intaa raaciyay inuu markii hore qiimuhu ahaa 5.5 oo u dhiganta $0.5, haatanna ay ka dhigeen $ 0.48. Halkii KWT, taasoo aan ahayn halkii u dambaysay balse ay sii wadi doonaan qancinta macaamiishooda.

Shirkadda Korontada BECO oo ah shirkadda ugu horreeysa xagga qancinta macaamiisha ayaa wadda qorshe lagu sii horumarinayo adeegyada casriga ah ee ay bixiso iyo soo jiidashada Bulshada Soomaaliyeed.

Shirkadda Korontada ee Banaadir Ellectric Company (BECO) ayaa la aas aasay sanadii 2014-kii, ka dib markii ay la midoobeen shirkado dhowra oo ka how-gali jiray Muqdisho.

Waxanay Shirkadduu howlaheeda bixinta Korontada iyo adeegyada ay bixiso ku baahsan yihiin in badan oo ka mid ah Gobollada Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY