Dowladda Soomaaliya ma ka bixisay Jawaabtii kaga aadanayd gurmadka Daadadka?

Dowladda Soomaaliya ma ka bixisay Jawaabtii kaga aadanayd gurmadka Daadadka?

770
0
SHARE

Muddadii ka dambaysay Burburkii dowladdii dhexe ee dalka 1991,waxaa dalka iyo dadka Soomaaliyeedba waayeen kaalin wayn oo ah doorkii iyo weheshigii bulshada ee dowladnimadii dalka, taasi oo qorshe iyo Istaraatiijiyad dhow iyo mid fog u dejin jirtay ka hortagga iyo ka daba tagga Masiibooyinka, tusaale ahaan Abaartii Dabadheer 1974-1975tii.

Xilligaasi kadib,waxaa dalka ka dhacay abaaro, Fatahaado iyo duufaanno mana helin shacbigu cid u buuxisa kaalintii bannaanayd ee dowladnimada, waxaase nasiib wanaag ah in dhowr iyo toban sano kadib burburkii ay dalka ka hanaqaadeen dowlado is xigxigay oo midba midda ka danbaysa uga sii dhawaanaysay tubta lagu gaarayo higsiga Dowladnimo buuxda oo uu dalku yeesho.

Hadaba dowladda federaalka Soomaaliya ee hadda jirta oo ah dowlad haysata taageerada shacbiga ayaa wada dadaal  la doonayo in gurmad lagu gaarsiiyo dadka ay dhibaatada ka soo gaartay Fatahaadda ay sameeyeen wabiyada Shabeelle iyo Jubba gaar ahaan magaalooyinka Baladweyne iyo Baardheere.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo  oo horseed ka ah gurmadka Qaran ayaa  dhawaan booqasho ku tagay magaalada Baladweyne, wuxuuna u kuurgalay baaxadda dhibaatada ka dhalatay fatahaadda wabiga shabeelle ee  dhexmara magaalada Baladwayne iyo daadadkii roobabka ee ka soo rogmaday buuraha ku dhow magaaladaasi, taasi oo ay ka dhalatay masiibo bani’aadminimo oo aad u ballaaran, waxaa magaalada ka barakacay 80/% dadkii deganaa, waxaana gabi ahaanba xirmay garoonkii diyaaradaha.

Madaxwayne Farmaajo oo si aad ah ugu kuurgalay baaxadda dhibaatada isla markaana la kulmay dadwaynaha iyo Masuuliyiinta deegaankaasi ayaa sheegay in si dhaqso badan dib u dhis loogu sameyn doono garoonka diyaaradaha Baladwayne si gurmad loo soo gaarsiiyo dadka ku dhibaataysan Magaalada iyo hareeraheeda.

Dhanka kale Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya oo ka jawaabaya duruufta adag ay ku sugan yihiin dadka ku nool deegaanada ay fatahaaddu saamaysay ayaa  magacaabay guddi qaran oo 22 xubnood ah, waxaana madax u ah  Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Md: Mahdi Max’ed Guuleed guddigaan  wuxuu isugu jiraa Wasiirro, Xildhibaanno , Culimaa’udiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmad Qaran mudane Mahdi Guuleed iyo gudiga uu madaxda ka yahay  ayaa durbadiiba bilaabay in ay dajiyaan qorshe sal adag leh iyo jaangoyn ku wajahan sidii dhaqso kaalmo muuqata oo waxtar leh loogu gaarsiin lahaa goobaha mashaqadu ka dhacday, wuxuuna  shaaciyay in Xukuumadda Soomaaliya ay ugu deeqday gurmadka Fatahaadda Hal Milyan oo doollar,  isagoo Shacbiga Soomaaliyeed meel walba ay dunida ka joogaan ugu baaqay  in ay ka qaybqaataan gurmadka dadka walaalaha ah ee dhibaataysan.

“Si aan ugu dhiirigelino shacabkeena  Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan taakulaynta dadkooda dhibaataysan, Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaadda B/Wayne”,ayuu yiri Ra’iisalwasare ku xigeenka ahna gudoomiyaha gudiga Gurmad qaran.

 Gudoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa sheegay in guddigu samaystay afar guddi hoosaad oo kala ah Guddi Hoosaadka Wacy-gelinta Bulshada iyo Deeq raadinta, Guddi Hoosaadka Maareynta Deeqaha iyo Xog-uruurinta, Guddi Hoosaadka Maaliyadda iyo Dabagalka iyo Guddi Hoosaadka Saadka, isaga oo dhanka kale baaq u diray dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay Bulshada Soomaaliyeed, isagoo arintaasi faahfaahinayana waxaa uu yiri, “Akoonno ayaan sameynay lagu soo ridayo wixii deeqa ah oo la bixinayo. Waxa aan qeyla dhaan u direynaa Shacab weynaha Soomaaliyeed guda iyo dibadba, hadii ay dhaqaalo bixinayaan, hadii ay raashin bixinayaan iyo hadii ay dhar bixinayaanba”.

“Dowladdu si xoog leh ayey uga qeyb qaadan doontaa gurmadka. Qof waliba wixii uu bixin karo ayuu bixinayaa. Shaqaalaha dowladda, golaha wasiirada golaha shacabka, Bulsha weynta Soomaaliyeed, ganacsatada iyo Qurbajoogta waa in aan si wada jir ah uga qeyb qaadanaa Gurmadka si aan u badbaadinno walaalaheen.”, ayuu yiri  Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Gudoomiyaya guddiga wacyi gelinta Bulshada iyo Raadinta deeqaha, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa waxa uu ku baaqay in cid kasta oo wax heysata  in ay gurmadka si hagar la’aan ah uga qeyb qaadato si walaalaha dhibaateysan loo samata bixiyo.

“Waxaa la joogaa xilligii la isu gurman lahaa. Dhib wayn oo dad badan saameeyay oo geeri keenay ayaa dhacay. Waxa aan ugu baaqayaa shacab weynaha Soomaaliyeed in ay u soo gurmadaan walaalahooda fatahaaddu maashaysay oo maanta banaanka dhooban, hoy la’aantana ah, cunnna la’aan iyo biya la’aan ah, oo xitaa uu caafimaadkoodu Qatar ku jiro”, ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Guddiga qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa waxa ay soo bandhigeen Akoonno ay ka sameeyeen Bankiyada iyo Number EVC kuwaas oo Deeq-bixiyayaashu ay ku shubi doonaan lacagaha ay Sadaqeysanayaan si walaalahood loogu badbaadiyo.

Goobaha ugu daran ee Daadadka iyo fatahaadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba ku soo rogmadeen waa Magaalooyinka B/Wayne iyo Degmada Baardheere oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Gedo ee maamul goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Jubba, guddiga gurmadka qaran ee Fatahaadaha oo goobahaasi tagay ayaa waxay soo kormeereen xaaladda dhabta  ah ee nololeed ay ku sugan yihiin Shacabkii ku noolaa degmooyinkaasi waxayna gaarsiiyeen Kaalmooyin noocyo kala duwan leh.

Gurmadka Samatabixinta ah ee dadka ay saameeyeen Fatahaadda wabiyada ayaa waxaa ka qaybqaatay dadka Soomaaliyeed ee wanaaga iyo horumarka dalkooda jecel meel kasta oo ay Caalamka kaga dhaqan yihiin, Sidoo kale waxaa qayb libaax  ka qaatay dalalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo Qadar , kuwaasi oo kaalmo wax ku ool ah gaarsiiyay dadkii Fatahaadda Saamaysay.

Biya dhaca qormadayda ayaa waxaa ay tahay , wax  kasta oo masiibo ah oo  ka dhaca dunida dusheeda waa qorshe Alle uu adoomadiisa ku Imtixaanayo sida ay qadartiisa ugu qancayaan iyo sida ay isugu samafalayaan,sidaa darteed dadka Soomaaliyeed oo ku summadan dad is Caawiya xilliyada ay xaaladaha adag ku jiraan, ayaa waxaa durbadiiba muuqda gurmad dal iyo dibadba leh oo lala gaarayo dadka dhibaataysan, hadaba su’aasha waxay tahay dowladda Soomaaliyeed ma qaadatay kaalintii kaga aadanayd gurmadka Fatahaadda Wabiyada?, Sadar muuqdaa Su’aal ka dhan waayo  Dowladda Soomaaliyeed waxay ka bixisay Gurmadka Fatahaadaha daadadka jawaabtii loo baahnaa iyo xilligii loo baahnaa.



W/D Abuukar Gobdoon

 

 

 

 

LEAVE A REPLY