Gabar reer Bardaale ah oo korkeeda Dab ka kacayo

Gabar reer Bardaale ah oo korkeeda Dab ka kacayo

6793
0
SHARE

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay arrin la yaab leh oo bulshada Gobolka ka yaabisay, kaasoo ah Gabar jirkeeda uu dab ka dhalanayo, islmarkaana sameyn ku yeesha Guryaha, Alaabta taal iyo waliba haddaay Gaari korto uu isna gubanayo.

Gabadhaan oo ka mid ahayd bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo, balse markeedii hore ka timid Degmada bardaale ayaa iskaga baxsatay magaalada, iyadoo gaartay degmada bardaalee ee isla Gobolka Baay, kadib markii ay weysay meel ay gasho, waayoo hooygii ay takto wuu gubanayaa, baabuurkii ay raacdana isna waxaa qabsanaya dab iyada ka kacay.

Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale Ibraahim Roobow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Gabadhan dhibanaha ah ay gacanta ku haayaan, ayna tahay arrin ay bulshada la yaabeen, maadaama jirkeeda dab ka kacayo, kaasoo gubaya hadba guryaha ay gasho Gabadhaasi, isagoo intaasi raaciyay in dhowr guri la geeyay balse dhammaantood dab ayaa qabsaday.

Mar wax laga weydiiyay Taliyaha in Dabku uu iyada ka kacyo, islmarkaana wax gaarsiinaya iyada, waxa uu ku jawaabay, “ marka dabku ka kacayo Gabadha waxay tiri culeys ayaa isoo saarmaya, kadibna dhibbilo holac ah ayaa ka firdhaya, kaasi ayaa gubaya dhammaan meesha ay joogto, ha ahaado Guri ama Baabuur, Dabkaasi iyada wax ma gaarsiinayo ee waa kacayaa oo kaliya dhimbilo iyo Holac”.

Gabadhaasi Soomaaliyeed oo markeedii hore u timid Ninkeeda ayaa waxaa ku qabsaday Arrintaasi yaabka leh Magaalada Baydhabo, kadib markii uu gubay Guryo Dab iyada ka kacay, waxaa kaloo la sheegay in Baabuur lagu qaaday uu isna Dab qabsaday, balse ugu dambeyntii Lug ayay ku gaartat Degmada Bardaale. Maqaadiir Rabbaani ah.

LEAVE A REPLY