32 Maleeshiyaad Al-shabaab ah oo ay ku jiraan Horjoogayayaal oo lagu dilay...

32 Maleeshiyaad Al-shabaab ah oo ay ku jiraan Horjoogayayaal oo lagu dilay Hiiraan

684
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–32 ka tirsan Maleeshiyaadka Koooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab oo ay ku jiraan 3 horjooge ayaa la dilay, kadib markii ay dagaal isaga hor yimaadeen Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed deegaan ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaasi ayaa ka dhashay kadib markii ay kooxdaasi Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo dadka Deegaanka ay isku maandhaafeen waxa ay ugu yeereen Sakawaatka oo ay baad ahaan uga qaadaan shacabka, iyadoo Dadweynuhu ka dhiidhiyeen arrintaasi.waxaana Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay shalay dagaal qorshaysan ku qaadeen deegaanno maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al-shabaab ku dhibaataynaayeen Shacabka Soomaaliya.

Jeneraal Maxamed Axmed Tareedishe oo ah taliyaha guutada 52-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuna sugan Gobalka hiiraan ee Bartamaha Dalka oo ay wareysatay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Dagaal saacado badan qaatay oo shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan lagu dilay 32 ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab oo ay ku jiraan 3 horjooge,iyadoo laga furtay Hubkii ay wateen Maleeshiyaasi lagu dilay Howlgalkaasi.

Horjoogayaasha la dilay waxaa ka mid ah Axmed Nuur Ciribey oo ah Horjooge sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, waxa uuna kooxda u qaabilsanaa jabhadaha iyo aruunta Xoolaha shacabka laga dhaco, isagoo ka howl gali jiray Gobolada Hiiraan iyo Gal-gaduud.

Taliyaha guutada 52-aad Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Axmed Tareedisho waxa uu intaasi raaciyay in goobta uu dagaalku ka dhacay lagu magacaabo Ceel Bulacle oo 28 KM u jira Degmada Maxaas, wuxuuna intaasi raaciyay in tirada dhimashada Kooxdaasi ay gaareyso 65, taasoo ah xog ay u gudbiyeen dadka Deegaanka.

” Tirada ka dhimatay Kooxda Al-shabaab waa 32 oo aan dul istaagnay oo aan aragnay , marka aan isku darno xogta dadka aan ka helnay ee ku aadan dhaawacii ay la carareen oo dhaawac ahaan u dhintay tirada guud ee dhimasho ee kooxdaasi soo gaartay waa 65 oo ay ku jiraan 3 horjooge”, ayuu yiri Generaal Tareedishe.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo Qorsheysan kawado Gobolada Dalka taasoo keentay in maleeshiyaadka alshabaab ay ka cararaan inta Badan deegaandii ay Ku dhuumaaleysan jireen,iyadoo howgaladaasi looga dilay Horjoogayaal iyo maleeshiyo tiro badan halka kuwa kalana ay isku soo dhiibeen Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY