Ciidanka XDS iyo AMISOM ayaa isku diyaarinaya Hawlgal ka dhan ah Al-shabaab(SAWIRRO)

Ciidanka XDS iyo AMISOM ayaa isku diyaarinaya Hawlgal ka dhan ah Al-shabaab(SAWIRRO)

1092
0
SHARE
Cadaado(SONNA):–Taliska ciidanka xoogga dalka qaybtooda 21-aad ee ku sugan Galmudug iyo ciidamada AMISOM ayaa si wada jir ah ugu diyaar garoobaya hawlgal ka dhan ah xooxda shabaab, kaas oo looga saarayo deegaanada ay wali kaga harsanyihiin Mudug iyo Galgaduud.
Ciidamada ayaa maanta kormeer ku sameeyay deegaano dhowr ah oo hoos yimaada Magaalada Cadaado, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo wada shaqaynta Ciidamada.
Ammaanduulaha qaybta 21aad G/sare C/laahi Aadan Xuseen (Col Cirro) ayaa sheegay in ay qaadi doonaan dhawaan hawlgal deegaanada Galmudug looga  cirib tirayo kooxda Shabaab.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Burundi ee ku sugan Cadaado ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM Major Emmanuel Ndayishimiye ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in maanta ay hawlo shaqo ku yimaadaan deegaano ka baxsan Cadaado, ayna la hawlgali doonaan ciidanka xoogga qaybtooda Galmudug ku sugan.
ciidanka2
ciidanka3
ciidanka4
ciidanka7ciidanka8ciidanka9ciidanka10ciidanka12ciidanka6

LEAVE A REPLY