Amiirka Kuwait oo u tafaxeytay xal u helidda muranka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran

Muqdisho(SONNA) Amiirka dalka Kuweit Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah  ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baqdad,si uu u dhexdhexaadiyo Mareykanka iyo Iran  oo la tilmaamay in uu  sii xumaanaya Muranka  iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyadas.

Amiika ayaa ah nin  si weyn looga xurmeeyo gobolka,waana hoggaamiyihii ugu dambeyay ee booqda Baqdad,ka dib markii masuuliyiin ka tirsan Mareykanka,Jarmalka iyo Oman ay hoos u dhaceen dadaallo ay wadeen.

Madaxda Ciraaq ayaa nafsad ahaan raadinaya in la kordhiyo dadalka lagu dhexdhexaadinaayo Mareykanka iyo Iran.

Safarla Amiirka ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan xaalado kacsan oo aan horay loo arag,ka dib kolkii weeraro lagu qaaday maraakiibta sidda shidaalka ee mara Gacanka Cumaan.

Dhinaca kale gantaal ayaa saakay ku dhacay koonfurta magaalada basra,halkaasi oo ay degan yihiin dhowr shirkadood oo kuwa shidaalka ah.

Laba ruux oo shaqaale ah ayaa dhaawacmay,waxaana halkaasi laga daabulay in ka badan 20 shaqaale oo asjanabi ah.