Ambaassador Cali Saciid Fiqi oo ku guuleeystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-galbeed

Baydhabo-(SONNA)- Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka koofurgalbeed Soomaaliya ayaa Maanta Guddoomiye u doortay Dr, Cali Saciid Fiqi , ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Kulanka oo ay soo xaadirtay 93 Xildhibaan ayaa waxay 83 ka mid ahi codkooda siiyeen Ambassador, Cali Siciid Fiqi, halka murashixii la tartamayay ee Xildhibaan, Maxamed Cabdiraxmaan uu helay Laba cod oo keliya, iyadoo 8 kalena ay hallowday.

Dr, Cali Saciid ayaa horay usoo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, isagoo xilka Maanta loo doortay hayn doona Afarta Sano ee soo socota.