Akhriso: Shuruudaha Musharaxiinta Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug

Dhuusamareeb (SONNA) - Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saaray shuruudaha laga doonayo Xildhibaanada u tartamaya kuraasta Guddoonka Baarlamaanka.

Guddiga ayaa soo bandhigay illaa siddeed shuruud oo ay ka mid yihiin in musharaxa uu haysto shahaado Jaamacadeed ama wax u dhigma, isla markaana uu bixiyo musharaxa u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug lacag dhan toban kun oo dollar, halka Guddoomiye ku-xigeenka uu bixinayo shan kun dollar oo aan celis lahayn.

Halkan hoose ka akhriso shuruudaha musharaxiinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Galmudug.