Kulanka Golaha Shacabka oo Maanta ka furmaya Muqdidho

Muqdisho-(SONNA)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xaruntooda Muqdisho.

Ajandaha kulanka xildhibannada ayaa ah Akhrinta Koowaad ee sharciga dembiyada la xiriira jinsiga, waxanay mudanayaasha sharcigaas marsiin doonaan laba Akhris oo kale.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa intii ay ku guda jireen kalfadhiga 7-aad waxay ansixiyeen sharciyo dhowr ah, iyadoo ay weli horyaallaan sharciyo kale.