Ahmiyadda Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya (Qormooyin Taxane ah)

Dal walba oo Caalamka ka mid ah wuxuu leeyahay maalmo ku xardhan diiwaanka soo yaalkiisa taariikheed,kaasi xushmad iyo qadarin ku leh quluubta shucuubta dalalkaasi, waxayna ku mutaysteen maalmahaasi laguna sharfaa in loo sameeyo munaasabado lagu muujinayo qiimaha gaarka ay leeyihiin.

Dadka Soomaaliya oo ka mid ah dalalka kifaaxa dheer u soo galay hanashada xoriyaddooda, ayaa waxay leeyihiin Todobaad aad loo maamuuso, kaasi oo kulansaday munaasabadaha

1-26ka Juun oo ah Xornimadii gobollada waqooyi ee dalka,iyo markii ugu horaysay ee calan oo soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciid Soomaaliyed.

2- 1da Luulyo. Waxay kulansatay waa maalintii xornimada gobollada koofureed iyo midowgii ama israacii gobollada waqooyi iyo kuwa koonfureed.

3- 27ka juun waa maalinta xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay.

Xornimadaas shacbiga Soomaaliyeed u dabaaldagayo waxaa loo soo maray hagan qaraar oo ku suntan taxane taariikheed oo aad u fog kana soo bilawday qarnigii 16aad markaasi oo imam axmed Ibraahim(AxmedGuray)uu  dacar dhadhansiisay gumaystayaashii damaaciyay ciidda Soomaaliyeed.

Hagankaasi oo heerar kala duwan Soo maray waxaa mar kale Shucladdii xornimadoonka kor u qaaday Darwiishkii Sayid Max’ed Cabdulle Xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax Oomaar, Shiikh Xasan Barsame iyo halgamayaal kale illa laga soo gaaro halgankii guusha xonimada horseedka ka ahaa oo ay  hoggaaminayeen Xisbiyadii S.Y.L, S.N.L iyo U.S.P

Qormooyinkeenna maalmaha Xoriyadda oo taxane ahaan doona, waxan maanta ku soo qaadan doonaa doorkii shariifka ahaa ee Xisbigii S.Y. L ka soo qaatay xaqiijinta guushii waynayd ee gobannimada.

Asaaskii xisbigii Legada S.Y.L oo Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbanaanida. Magac ahaan waxaa uu u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah ee (Somali Youth League),  erayga Leegana waa iyadoo af Talyaani ah (Lega dei giovani Somali).

Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee aduunka, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayay dawladda Ingiriiska oo jabisay Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinc kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo rajo in waa cusub u dhalan doono.

Xilligaas waxaa dalalka Afrika iyo Aasiya  ka iftiimay Shuclad gobanimadoon ah oo nuurkeeda soo gaaray Soomaaliya,Waxaa waqtigaas Magaalada Xamar ku noolaa Jaaliyad Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jiray ayaa dibadda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan.

C/qaasir Sh. Saqaawadiin iyo Yaasiin xaaji Cismaan oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka SYL ayaa waxa uu bilaabeen inay fikradda gobanima-doonka la qeybsadaan bulshada, waxayna si gaar ah uu xiriir ula sameeyeen dadkii ay islahaayeen waa maskax furan yihiin, waxaana dadkaasi ka mid ahaa: Karaaniyaasha dawladda oo ahaa Dadkii waqtigaas ugu aqoonta badnaa, ganacsatada, culumaa’uddiinka iwm.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayay C/qaasir Sh. Saqaawadiin iyo Yaasiin xaaji Cismaan shir ugu qabteen  7 ama 8 dhalinyaro ah, waxayna u soo jeediyeen talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed,Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, uuna ku kalsoonaa, muddo bilo ah gudahood ayay is uruursadeen 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, islmarkaana u babacdhigaan duruufaha adage e ku xeeran wadada loo marayo halganka gobanimadoonka.

Dhismihii Xisbiga, 13 dhalinyaro ah ayaa noqday asaasayaashii Xisbiga SYL, waxayna magacyadooda kala yihiin:-

  1. Yaasiin Xaaji Cismaan 2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin
  2. Maxamad Cismaan Baarbe. 4. Maxamad Faarax Hilowle
  3. Sayidiin Xirsi Nuur 6. Maxamad Cali Nuur
  4. Daahir Xaaji Cismaan 8. Xaaji Maxamad Xuseen
  5. Khaliif Huudow Macallin 10.Cismaan Geedi Raage
    11. Dheere Xaaji Dheere 12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
    13.Cali Xasan Maxamad “Verdura

Shirkii ugu horreeyay waxay ku yeesheen qol ay ka kireeysteen waddada “via Roma” ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ahayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa:-

1-In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya

2- In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
3- In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aanteed.
4- In la qoro farta Soomaaliga
5- In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
6- In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, takoorka iwm.

Kadib waxay doorteen Hoggaanka Ururka, waxaana Guddoomiye loo doortay Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye
Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen halka Yaasiin Xaaji Cismaan loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca ah “Somali Youth Club” ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo ujeedadiisa tahay arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara gumaysiga.

Subaxdii 15 Maajo 1943, waxay tageen xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, iyagoo wata codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga, kadib waa loo ogolaaday,Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa. gobollada iyo dagmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku codsanayaan shacbiga deegaannada kala duwan ee dalka in Xisbiga loo furo. waxaad moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya, waxaana laga bilaabo 1943, Xisbiga S.Y.L laga furay gobollada Soomaaliya oo idil,Islamarkaana waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin.

Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:-Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin, damaca gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii, iyo Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

Bishii Oktoobar sanadkii 1949kii horranteedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga, 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur, iyadoo Ingiriiska soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey, Waana sababta goobtaasi loogu baxshay Dhagaxtuur, Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.

Ingiriisku intaasi kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda Leegada oo Ceelbuur loo musaafuriyay waxaana ka mid ahaa Mohamud Maalinguur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.

21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay (Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia) (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyay Guddi ka kooban saddax dal: Masar, Filibiin iyo Kolombiya oo Wakiil ka ahaa Qaramada Midoobay, shaqada loo igmadayna waxay ahayd korjoogtaynta iyo ilaalinta sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.

Ka dib markuu soo noqday Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto, wuxuuna isku dayay inuu kala qaybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay dhalinyaradii Leegada.

Waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad. Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah. Leegadu waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay doroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954. Markaas ayaa Talyaanigu quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada, Waxaa farxad iyo raynrayn ahayd markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka Soomaaliyeed, Calankaasi farshaxankiisa iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa halgamayaashii Leegada.

Guushii halgankii waxaa la gaaray 26-kii June 1960, iyadoo 1da July ee isla sanadkaas laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xuska Munasabadaha Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya, wuxuu ahmiymiyad gaar u leeyahay guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada si ay cashar uga qaataan wiilal iyo gabdhaba halgamayaashii dhallinyarada ahaa ee naftooda iyo maalkooda u huray yoolkii ahaa Hanashada Maandeeq, waxaana xusid Mudan in uu abwaan Saxardiid Jabiye oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Hargaysa uu ku Maamuusay Hanashada Xoriyadda ee 1960kii heestii uu ku luuqeeyay Allaha u naxariistee Max’d Axmed Kuluc  ee erayadeeda ka midka ahaayeen (Magowdo Candhadii dhoollaha Marisee aan maalno hasheenna Maandeeq).

W/D Abukar Gobdoon