Agaasime Ku-xiggeenka Madaxtooyada JFS oo la kulmay qaar kamid ah mutadawiciinta barnaamijka Is-xilqaan

Muqdisho (SONNA)-Ku-xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinur Maxamed Axmed ayaa kulan looga hadlay dardar-gelinta wejiga labaad ee Ololaha Isxilqaan la qaatay, qaar kamida Mutadawiciinta barnaamijkan.

Agaasime Cabdi Nuur ayaa kula dar-daarmay howlwadeenada Isxilqaan in ay sii laban-laabaan dadaalkooda horseeday guulaha mugga leh ee laga gaaray dib u dhiska goobaha danta-guud ee dalka.

“Sida kaliya ee aan dalkeenna ku dhisan karno waa isku-tashi iyo wax-wada-qabsi bulsho oo ay kaalintooda ka qaadanayaan dhammaan qaybaha bulshada, Wadajir iyo iskaashi baynu asaaggeen kula tartami karnaa, ugana hormari karnaa.