Af qalaad Aqoonta miyaa? (Maqaal)

Maadaama dhawaan dunida laga xusay maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo ayaa waxaan qormo kooban ku soo qaadaneynaa taariikhda Afkeenna Hooyo, heerarkii uu soo maray iyo ugu dambeyntii sida uu u najaxay.

Dowladihii dhexe ee shacabka ahayd 1960 iyo 1967 talada wadanka hantay waa ay gaari waayeen go'aan farta lagu qorayo Af Soomaaliga iyada oo si wanaagsan loo soo bandhigay baahida loo qabay qorita Af Soomaali si looga xoroobo gumaysi afkiisa si dhaqanka iyo nolosha wadanka iyo maamulkiisa si toos ah loo hanto.
Guddiga Af Soomaaliga.

Sida Afafka oo kale wuxuu soo maray marxalado kala duwan waxaana xil loo magacaabay seddex jeer, iyada oo dood fogaatay darteed iyo taageero qalafsan oo xubno Dawladda ka tirsan, ganacsato iyo xunbaha guddiga qaarkood ay gacan maroojin ku samaynayeen xubnaha guddiga. Taageero dad aan danta guud ka fakarayn, dad qabiilka ku fogaa iyo ganacsato wax kale laga dhaadhiciyay iyo guud ahaan dowladihii oo fadhiid ahaa iyo go'aan la'aan wasaaradihii ku shaqo lahaa arrinta qorista Af Soomaaliga ayaa mixnad ku noqday guddiga inuu fuliyo howlihiisa. Sidoo kale wadamo shisheeye sida kuwo Carbeed ayaa taageero iyo mucaarad isku garab waday.

Labo jeer ayaa waxaa uu guddiga soo saaray ama daabacay xogtii uu helay. Labadii jeerba xogta waa la duugay oo hab musuqmaasuq unbaa lagu sifeyn karaa. Baaristii labaad yo xog-baarkii labaad hey'ada Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa maalgelisay baarista iyo fadhiga guddiga.
Shaqada Guddiga Af-Soomaaliga.

Xubnaha Guddiga Af-Soomaaliga oo ay ku jireen rag aad ugu xeel dheeraa maadada Af Soomaliga, oo qaarkood ay ahaayeen qoreyaal ayaa u howlgalay sidii loo heli lahaa farta ama xuruufta taaganeyd. Guddiga Af Soomaaliga wuxuu shaqo bilaabay sanadkii 1961-kii markii labaad waxaa la howlgaliyay 1967-kii.

Markii seddexaad waxaa waxaa dib loo abaabulay sanadkii 1972-kii, iyaga oo qaamuus, buugag iyo manhajyo ku diyaariyay mudo 1 sano gudihiis ah. Guddiga waxay go'aansadeen in Far Soomaaliga lagu qoro xuruufta Laatiinka, iyada oo dhaqaalaha wadanka loo eeyay iyo qalabka markaas la heli karay oo u badnaa midka farta laatiinka ama ABC ku naqshadaysnaa. Qorist Far Soomaaliga ayaa go'aan laga gaaray 1972-kii, iyada oo guddiga isla markiiba ku dhaqaaqay ururin qaamuus iyo howlo kale oo baaxad leh.

Waxaa jiray codbixin ballaaran oo la siinayay in xuruufta Af Carabiga la doorto balse dhaqaalaha inuusan saamaxeyn, isla markaana Af-Carabi ay bulshada Soomaaliyeed ku baran karaa si sahal maadaama cannuga walba oo Soomaaliyeed uu Qur'aanka ku barbaaro oo aysan mushkilad ku noqoneyn in Af Carabi, afka Quraanka la baran waayo.

Xuruuf qalaad ayaa jirtay sida Cismaaniya laakiin Af Xabashi maldahan ayay ahayd. Dowladihii na taageerayay ee Carbeed nooc gumeysteyaal ah ayay ula dhaqmayeen bulshada iyo Dawladda Soomaaliyeed wax dhaqaale ah oo ay nagu biirin kareene ma jirin oo iyagaanba is fahansanayn. Taasina way cadaatay muddo ka dib. Guud ahaan 18 far aya laga doortay farta la ansixiyay.

Guddiga Af Soomaaliga waxay qoreen buugtii ugu horreysay ee Af Soomaali rasmi ah lagu qoro walow Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal iyo Shire Jaamac Axmed ay tijaabiyeen Far Soomaali hore. Fartii Shire Jaamac Axmed ayaa hirgashay kalfadhigii ugu dambeeyay ee uu guddiga ku go'aansaday in la qaato xuruufta Shire Jaamac Axmed uu alifay.

Xaaji Muuse Ismaaciil Galaal iy Shire Jamaac Axmed waxay qoreen buugaag 1954-kii iyo 1965-kii sida ay iskugu xigaan. Dugsiyo dhowr ah oo waxaa jiray loogu magac daray Muuse Galaal.

Xubnaha Guddiga Af Soomaaliga ee sanadkii 1972-kii u fadhiistay xalinta Far Soomaaliga oo muddo 18 sano ah taagnayd waxay ka tageen buugaag lagu xusay suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ama sooyaaalka Soomaaliyeed.
Xubnaha Guddiga Far Soomaaliga waxay ahaayeen:-
Shariif Saalax Maxamed Cali Guddoomiye
Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal Xubin
Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) Xubin
Shire Jaamac Axmed Xubin
Khaliif Suudi Xubin
Mustafe Sheekh Xasan Xubin
Maxamuud Saalax (Ladane) Xubin
Yuusuf Meygaag Samatar Xog-Haye
Yaasiin Cismaan Kenadiid Xubin
Ibraahim Xaashi Maxamuud Xubin

Guddiga Af Soomaaliga seddex jeer ayaa la abaabulay. Xubnihii ugu dambeeyay ayaa gaaray ujeedkii iyo yoolkii loo abaabulay guddigaas.
Guddiga Af Soomaaliga waxaa laga dhaxlay Guddiga Horumarinta Manaahijta iyo shaqaale badan oo ka howlgalay Wakaalada Madabacada Qaranka.

Af Soomaali Tacliinta Aasaasiga ilaa sare.
Waxbarashada aas aasiga inta badan si sahal ah ayaa lagu askumi karaa haddii la helo dad aqoon u leh maadooyinka iyo nolosha dhaqandhaqaale ee bulsho iyaga oo tiigsano waxa ay bulshadaas tiigsanayso aayatiinka dhow iyo kan fog. Labada heer ee hoose/dhexe iyo waxbarashda dugsiyada caadiga ah waxaa mas'uul ka ahaa Xafiiska Horumarinta Manaahijta oo hoos imaan jiray Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta.
Dhammaan dugsiyada hoose dhexe ilaa sare iyo goobaha tacliinta sare sida kulliyadaha iyo Jaamacada Ummada Soomalaiyeed intaba waxaa laga bixin jiray casharoo oo ay dejiyeen Guddiga Horumarinta Manaahijta iyada oo ay jirtay in xarumaha tacliinta sare ay lahaayeen waax u gaar ah dejinta manhajka dhaafsan heerka aas aasiga. Kulliyadaha iyo jaamacadaha waxay dejin manhaj takhasus sida beeraha, culuunta Siyaasadda, maamulka iyo maaraynta iwm.

Wakaalada Madbacada Qaranka
Wakaalada Madbacada Qaranka oo ku taalay dhabarka Xafiiska Dolwada Hoose ee Degmada Xamar wayne aaga Sukundo Liido waxay qayb lixaad leh oo aan la soo koobi karin ka qaadatay horumarinta Af Soomaaliga.
Dhammaan buugaagtii Af Soomaaliga ku qornaa ee lagu daabacay Soomaaliya sanadadii 1973-kii ilaa 1990-kii waxaa daabacday Wakaalada Madbacada Qaranka.

Haddaba si loo weyneeyo maalinta Afka Hooyo ayaa waxaa lagu qabtay munaasabaddo meelo ka tirsan Soomaaliya, waxaana ka mid ah mid lagu qabtay Magaalada muqdisho, taasi oo uu ka qeybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, isagoo ka hadlayay dadaalka loogu jiro horumarinta Afka hooyo ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka shaqeynayso sidii loo mideyn lahaa dhaq-dhaqaaqyada kobcinta Afka Soomaaliga.

Wasiir Goodax, ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Jabuuti doorka ay ka qaadanayso horumarinta Afka iyo sameyntii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay inay ka shaqeynayaan tababarka shaqaalaha Dowladda, si qoraallada ka soo baxa Xafiisyada Dowladdu ay u noqdaan kuwa ku qoran Af Soomaali sax ah.

Horaa loo yiri Af Qalaad Aqoonta miyaa? Maya ee waa inta eebbe gashaa, sidaasi awgeed waa in aynu ku fara adeegnaa horumarinta iyo adeegsiga Afkeenna Hooyo.

W.Q:-C/laahi Ruush