Abwaan Maxamud Cabdulaahi Ciise (Sangub) oo geeriyooday

Alla ha u naxriistee waxaa isbital kuyaala magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise(AbwaanSangub).

Abwaan Xirsi Dhuux Guddoomiye ku xigeenka Golaha abwaannada Qaranka ayaa Wakaalaadad SONNA  u xaqiijiyay Geerida Abwaan Sangub,isagooo eebe uga baryay in uu naxriistiisa uu ka waraabiyo.

Abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamuud Cabdullaahi Ciise(Sangub) ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey xanuunsanayay,waxaana markii ugu dambeysay kujiray isbital kuyaala  Dalka Itoobiya.

Taariikh nololeedka Abwaan Sangub kala soco Wakaaladda SONNA Inshaa'allaah