Xaflad soo dhoweyn ah oo Hindiya loogu sameeyay Danjiraha DFS u magacaawday...

Xaflad soo dhoweyn ah oo Hindiya loogu sameeyay Danjiraha DFS u magacaawday dalkaasi

SHARE

Muqdisho.(SONNA)…Danjiraha cusub ee soomaaliya u magaacawday dalka Hindia Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya ayaa gaartay magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindia, halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn diiran.

Qaar ka mid ah Madaxda iyo Dibolomaasiyiinta dalka Hindiya ,diblamaasiyiinta safaaradda Soomaalida iyo jaaliyada soomaaliyed ee dalkaasi,ayaa ka qeybgalay soo dhoweynta Safiirka cuub ee dowladda Federaalka ay u magacaawday dalkaasi.

Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya oo ka hadashay kulankii soo dhoweynta ka dib ayaa ka  mahadcelisay sida qiimaha leh ay u soo dhaweeyeen  madaxda dalka Hindiya iyo diblamaasiyiinta iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.

Siihayaha safaaradda ahna Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Hindiya, Axmed Maxamuud Maxamed oo isna kulanka soo dhoweynta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo u qabsoomay safaaradda iyo qorshaha waxqabad ee horyaala

LEAVE A REPLY