Gen. Odawaa “Maydadka Argagaxisada Al-Shabaab ee dagaalka Awdheegle Xiisab male”

Gen. Odawaa “Maydadka Argagaxisada Al-Shabaab ee dagaalka Awdheegle Xiisab male”

SHARE

Muqdisho (SONNA):-Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa maanta barqadii isku dayey inay weerar ku qaadaan Saldhigga Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose balse Ciidanka oo ka warqabay dhagarta Argagaxisada ayaa weerarkaas ka hortagay.

Taliyaha Ciidanka Lugta General Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaaliin hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay dagaalamayaal Al Shabaab ah lagu qabtay dagaalkaas saakay argaggixisado soo qaaday.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhawaan maleeshiyadda Al-Shabaab ka saaray degmada Awdheegle oo ay ka geysan jireen  dhibaatooyin xagga shacabka ah,waxaana hadda degmadaasi dib ugu soo noqday dadkii horay uga barakacay handadaada Al-Shabaab nolol cusubna bilaabay.

LEAVE A REPLY