Ciidamada Xoogga oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegaanka Shaam ee G/Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xoogga oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegaanka Shaam ee G/Shabeellaha Hoose.

SHARE

Muqdisho (SONNA):-Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgal Qorsheysan waxa ay ku qaadeen deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle.

Weerarkan qorsheysan ee saakay lagu qaaday Argagixisada ayaa jab xoogan loogu geystay Maleeshiyada Al-Shabaab sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa.

“Waxaan Howlgal Qorsheysan ku qaadnay deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle waxaana jab xoogan ugu geysannay Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo iyagu u bareera had iyo jeer daadinta dhiigga iyo dhacca xoolaha shacabka soomaaliyeed, annagoo la wareegnay gacan kuheynta deegaankaas.”

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska ayaa dhawaan Kooxda Alshabaab kala wareegay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyagoo jab xoogan gaarsiiyay Argagixisadii halkaasi Shacabka ku dhibi jirtay ee Alshabaab.

LEAVE A REPLY