Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Banka Carafo+sawirro

Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Banka Carafo+sawirro

SHARE

Makah(SONNA) Iyadoo maanta ay ku beegantahay 9 Bisha Dulxaj ayaa malaayiin Muslimiin ah maanta waxaa ay taagan yihiin Banka Carrafo, si ay u gutaan Waajibaadka xajka .

Xujeyda Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay illaa 11-kun oo ruux, kuwaas oo nasiib u yeeshay in sanadkan ay soo xajiyaan,waxaana ay heleen adeegyo ka duwan kuwii hore,sida uu ku soo waramayo Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Sucuudiga Cali Jaamac Cilmi (Cali Kuus).

Mas’uuliyiinta wasaraadda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya iyo Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jidah ayaa halkaasi kusugan,iyagoo sanadkan si gaar ah ula socda xaaladda xujeyda Soomaaliyeed,si ay u qiimeeyaan adeegyada ay helayaan.

Dowladda Dalka Sucuudiga ayaa si-weyn u adkeysay Ammaanka xujeyda,iyadoo ciidamo fara badan dowladda Sucuudi Carabiya ay soo dhigtay waddooyinka magaalada barakeysan ee Makka.

Istaaga buurta Carafo ayaa ah rugniga ugu muhiimsan ee Arkaanta xajka,sidaasi darteedna dhamaan xujeydii ka qeyb-gashey ay halkaasi ku sugan yihiin,xiliga qorax dhaca ayaa u gudbi-doonaan magaalada Mustalifa,halkaasi oo ilaa waaberigii ay ku sugnaan doonaan si ay halkaasi uga uruursadaan dhagaxtuurka sheydaanka.

Maalinta berritu ah ayaa wadamada Islaamku waxaa ay isku diyaarinayaan dabaal degga maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

By: Cali Jaamaca Cilmi(CaliKuus)

LEAVE A REPLY