HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA (Qeybta 3aad)

HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA (Qeybta 3aad)

SHARE

Farta Laatiinka
Aqoon-yahanada shisheeyaha ah ee farta Laatiinka u adeegsan jiray qoraalka af-Soomaaliga waxay kala ahaayeen Ingiriis, Talyaani, Jarmal, Aawstiryaan iyo Faransiis. Bilowga abaarihii sannadkii 1887-kii, Dhamme J. S. King oo Ingiriis ay dhalashadiisu tahay ayaa waxaa uu arkay dhibaatada qoraal la’aanta af-Soomaaliga heysata. Kadib aqoonyahanadii ka dambeeyey waxay kala ahaayeen: Mario Maino, Enrico Cerulli, Martino Moreno, Bruno Panza (oo Talyaani ah); C.R.V. Bell, Liliad E. Armstrong, I.M.Lewis, B.W.Andrzejewiski, John Drysdale (oo Ingiriis ah); aqoonyahanada Jarmalka waxaa ka mid ahaa A. Klingnheben iyo Carl Lang iyo Reinisch Austrian. Waxaa beryo dambe ku soo biirey Maraykanka oo Barnaamijkii Peace Corps ahaa darteed ku xiiseyey qoraalka far Soomaaliga (Joseph Pia, Jeanne contini iyo Dr. Castagno).

Beryo dambe ayey dad Soomaali ah door bideen in farta Laatiinka loo isticmaalo qoraalka af Soomaaliga: Dadkaas waxaa ka mid ahaa (Marwo) Xaliimo Maxamed Cali, Cabdi Kheyre Cawaale, Cabdulaahi Xaaji Maxamed, Muuse Galaal iyo Shire Jaamac Axmed. Dadkaasi doodoodu waxay ku salleysneyd faa’iidooyinka xagga farsamada iyo macquul-nimada.

Soo bixitaanka in farta Laatiinka lagu qoro Af-Soomaaliga waxay aad u yareysay inaysan farta Cusmaaniyada caan sii ahaanin, sababtoo ah dad xubno ka ahaa Ururkii SYL oo horey farta Cusmaaniyada rabey ayaa qeybsamey, waxaana markii dambe soo baxay qaar farta Laatiinka jecel.

Soomaaliya waxay dawlad daakhliyad ah heshay sannadkii 1956-kii. Sannadkii 1957-kii ayaa Wasiirkii Koowaad (Rasul-wasaarihii) dalka ee la oran jirey Halgame Cabdulaahi Ciise wuxuu warar Soomaali ah ku daabacay wargeys Af-Talyaani ku soo baxa oo rasmi ah, isagoo adeegsaneya Farta Laatiinka. Waxaa aad arrintaas uga carooday Guddigii Dhexe ee Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL), waxayna weydiisteen in qoraalkaas la joojiyo. Ugu dambeystii, waxay ku heshiiyeen in arrinkaas ku saabsan qoraalka Soomaaliga dib loo dhigo inta xorriyada laga qaadaneyo.

Guddigii Luuqada ee 1965-kii waxay ogaadeen in qaadashada Farta Laatiinka aysan carruurta horey dugsiyada ugu baratay Af-Ingiriisiga ama Af-Talyaaniga wax dhib ah kala kulmeyn. Run ahaantii, barashada Farta Laatiinka ay carruurtu afkooda ku bartaan waxay marka dambe u sahleysaa inay bartaan luuqado kale oo ajinebi ah. Ugu dambeystii, waxay guddigaasi ku andacoodeen in marka farta Laatiinka loo adeegsado qoraalka Af-Soomaaliga, inaan qofna inkiri karin xaqiiqda ah inay fartanu si toos ah uga soo jeedo Farta Waqooyiga Semetik (the phoenician branch), halka Farta Carabiguna ka soo jeedo isla Farta Waqooyiga Semetik (the Aramaic branch).

Guddigii Luuqada ee 1961-kii, 1-Luuliyo 1960-kii ay labadii gobol ee Soomaaliyeed middoobeen, waqooyiga oo uu Ingiriisigu gumeysan jiray iyo koonfur oo uu Talyaanigu gumeysan jiray, middowgaas ay labada gobol isku darsameen waxay keentay in dhibaatooyin badan oo ku saabsan qoraal la’aanta far Soomaaliga la kulmo. Sababtoo ah labada gobol waxay ku kala duwanaayeen xagga maamulka iyo waxbarashadda, kuwaas oo kala ahaa Ingiriis iyo Talyaani. Dhawr bilood markii xorriyada la haystay ayay Golihii Shacabku ka codsadeen dawlad inay guddi ka baaraandegga sidii Af-Soomaaliga loo qori lahaa sameeyaan, kadibna wixii talooyin ah dawladda u soo gudbiyaan.

Arrintaas waxaa baarlamaanka la hordhigay bishii Sebtember 16-1960-kii. Bishii Oktoobar, 1960-kii ayuu Wasiirkii Waxbarashaddu Cali Garaad Jaamac wuxuu magacaabay guddi ka kooban sagaal nin sidii ay far loogu sameyn lahaa af Soomaaliga, kadibna warbixin arrintaas ku saabsan u soo gudbiyaan. Guddigaas (waxaa loo yaqaanaa Guddigii Luuqada Soomaaliga) waxaana la faray inay: soo baaraan sida ugu habboon ee af Soomaaliga loo qori karo, iyagoo qaddarinaya dhammaan dhinacyada luuqadda, waxaana laga rabaa inay il gooni ah ku eegaan xagga farsamada, war-bixina u soo gudbiyaan dawladda ugu dambeys bisha Maarso, 1961-kii ,iyagoo ku muujineya dhammaan faruhu meelaha ay ku fiican yihiin iyo waliba hadday macquul tahay talo ku soo jeedinaya midda ay is leeyihiin in far Soomaali ahaan loo qaato way habboon tahay.

Xubnihii guddigii koowaad waxay kala ahaayeen:
1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal Guddoomiye
2. Yaasiin Cismaan Keenadiid Xubin
3. Maxamuud Saalax (Ladane) Xubin
4. Dr. Ibraahim Xaashi Maxamuud Xubin
5. Khaliif Suudi Xubin
6. Mustafe Sheekh Xasan Xubin
7. Shire Jaamac Axmed Xubin
8. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) Xubin
9. Yuusuf Meygaag Samatar Xoghayn

Magacaabidii raggaasu waxay ku salleysneyd arrimahan soo socda:-
a. Waxay ahaayeen dad horey ugu mashquulsanaa sidii Af-Soomaaliga far loogu sameyn lahaa.
b. Waxay ahaayeen dad aqoon u leh hab-dhismeedka Af-Soomaaliga
c. Waxay kala mateleyeen lahajadaha dhawrka ah ee ay Soomaalidu leedahay iyo
d. Waxay kala taageersanaayeen faraha kala duwan ee guddiga la soo hordhigayo.

Xubin kasta oo guddiga ka mid ah waxaa loo diyaariyey inuu qaato casharo ku saabsan qoraalka faraha, codeynta bilowga ah iyo hab–dhismeedka Af-Soomaaliga iyo codadka, iwm, si uu faraha u kala saaro, isagoo eegaya sida ay u waafaqsanaaneyso farahaha casriga ah. Inta aan far kasta baritaan iyo daraasaad lagu sameynin, waxay guddigu ku heshiiyeen in 17 qodob oo aasaasi ah in saldhig looga dhigo kala saaritaanka farahaas. Arrintaas waxaa loola jeeday inay adkaan lahayd in qoddobadaas lagu heshiiyo, haddii daraasaadka mar hore la sameeyo. Waayo, taageerayaasha faraha kala duwani waxay ogaan lahaayeen meelaha farta ay taageersan yihiin ay ku liidato.

Sidaas darteed, wax dhibaato ah laga lama kulmin inay xubnaha guddigu qoddobadaas ansaxiyaan, sababtoo ah midna ma garaneyn inay fartiisu gudbi doonto iyo inay qoddobadan ku dhici doonto toona.
Marka waxyaabaha kale laga reebo, farta aan mustaqbalka qaadan doonno waa inay astaamahan soo socda leedahay:

1. Waa inay xuruuftu cod leedahay
2. Waa in qoraalka xuruufteedu sahlan yahay
3. Waa in aysan lahayn calaamado gaar ah oo codka kala
Saara (diacritics)
4. Waa in aysan lahayn calaamado hal wax ka badan loo isticmaalo
5. Waa in aysan lahayn laba ama caalamado ka badan oo codadka keliya
kala saara
6. Waa in aysan lahayn calaamado laftoodu cod u taagan ama leh
7. Waa inay leedahay qalabka wax lagu daabaco oo hadda waddanka laga heli karo
8. Waa inay nidaamka Calaamadaha Caalamiga ah waafaqsan tahay
9. Waa inay habbeysan tahay (standarised)
10. Waa inay hab xuruufeed ku salleysan tahay
11. Waa inay dhaqaale ahaan loo awoodi karo
12. Waa in far la isku dardari karo lagu qori karo
13. Waa in aysan jirin wax la mid ah (unique)
14. Waa in lagu qori karaa dhammaan lahjadaha Af-Soomaaliga
15. Waa in aysan adkayn in dib u habbeyn lagu sameeyo
16. Waa in dugsiyada lagu dhigaa
17. Waa inay xuruufteedu leedahay cod joogta ah oo loo yaqaano (Linguistic Report, 1961, p. 11-12)

Kadib markii uu guddigu darsaad ku sameeyey far kasta wax ay ku fiican tahay iyo waxa ay ku liidato, guddigu waxay soo jeediyeen in farta Shire Jaamac ee “Laatiinka” ee dib-u-habbeynta lagu sameeyey inay tahay “tan ugu wanaagsan” iyo Kaddariya oo noqotey “tan labaad ee ugu wanaagsan”. Inta aan go’aanka la gaarin waxaa guddigii iska casilay oo ka baxay Ibraahim Xaashi Maxamuud iyo Maxamuud Jaamac Af-ballax, sababtoo ah ma aysan taageersaneyn in Af-Soomaaliga farta Laatiinka lagu qoro. Waxaa booskoodii lagu beddelay rag kale. Sidaas darteed, go’aankii ugu dambeeyey waxaa saxiixay:-

1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal Guddoomiye
2. Shire Jaamac Axmed Guddoomiye Ku-xigeen
3. Xuseen Sheekh Axmed Xoghaynta Farshaxanka
4. Cali Sheekh Axmed Qutbi Xoghaynta Farshaxanka
5. Abuukar Jooddax Xubin
6. Caddo Sheekh Cali Xubin

Arrimaha khuseeya dhinacyada siyaasada, diinta iyo bulshada waxaa loo daayay inay go’aan ka gaaraan dawladda, golaha shacabka iyo dadweynaha.

La soco qeybta 4aad
W/D: DALJIR ABDULLAHI NUUR
EMAIL: [email protected]/ +252 615 985482
Waana habeyntii C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY