HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA (Qeybta 2aad)

HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA (Qeybta 2aad)

SHARE

Qoraalada ay Soomaalidu Allifeen (The National Somali Scripts).

Sida aan horey u soo tilmaaney, waxaa Guddiga Luuqadda ee 1961-lkii la soo hor dhigay 11 farood (11-scripts) oo luuqada Soomaaliga lagu qori karo oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen. Guddiga luuqaddu waxaa ay soo bandhigeen 17 qoddob ama shuruudood oo lagu qiimeeyo far kasta oo la soo hor dhigo (kuwaas oo aynu ku soo qaadaa dhigi doonno qeybaha dambe ee qoraalkan). Hase yeeshee, waxaynu halkan ku soo qaadan doonnaa saddex ka mid ah farahaas oo aan ku eegi doonno dhinacyada taariikhda, sida ay caanka uga noqdeen iyo qoddobo kale oo muhim ah.

Laba ka mid ah farahaas waxay Guddigii Luuqada ee 196-kii ku tilmaameen inay buuxin kari waayeen shuruudihii iyo qoddobadii ay u dhigeen inay ku qiimeeyaan faraha kala duwan ee la soo hor dhigay.

Saddexda far Soomaali ee aynu qoraalkan ku soo qaadanaynaa waxaa ay kala yihiin:

1. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Cismaan Yuusuf Keenadiid 1920-kii. Qoraalkaas waxaa loo yaqaanaa Cusmaaniya, (waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Cismaan la odhan jirey), waxaa mararka qaarkoodna la dhihi jirey Far-Soomaali (Somali Script).

2. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur 1933-kii, waxaana Fataasi loogu magac daray qoyskii uu ka dhashay.

3. Qoraalka Far Soomaaliga ee uu allifey Xuseen Sheekh Axmed Kadarre 1952-kii oo iyana loo yaqaano Fartii Kaddariya (Kaddariya Script), waxaana loogu magac daray ninkii allifey Allaha u naxariistee Xuseen Sh. Axmed oo Kaddare lagu naaneyso.

Cusmaaniya (Far-Soomaali)
Farta Cismaaniyadu waxa ay aheyd farta ugu da’da weyn uguna caansaneyd faraha ay Soomaalidu allifeen, amase aynu ugu yeedhi karo Faraha Waddaniga ah (National Scripts).
Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo ahaa ninka alifay Fartaai waxaa uu dhashay 1898-kii ayaa markii hore waxaa uu isku dayey inuu Af-Soomaaliga ku qoro xuruufta Af-Carabiga. Laakiin arrintaas wuu ku qanci waayay. Gaar ahaan markii xarfaha Carabiga uu ka waayey qaar matali kara dhawaaqyada gaarka u ah luuqada Soomaaliga.
Waxaa jira qoraallo fara badan oo fartan ku qoran oo ay haystaan shakhsiyaad gaar ahi (private collections), oo ay qaar ka mid ah leeyihiin muhimad suugaaneed iyo mid taariikheedba. Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf oo nooc ka mid ah leeyahay daabacaad (printing and no cursive writing). Waxaa laga bilaabaa qoraalkeeda dhinaca bidixda (from left to right), waxayna leedahay qoraalkeeda tirada (numerals). Guddiga Luuqada ee 1961-kii waxaa uu fartan ku tilmaamay inay leedahay 7 qoddob oo faa’iido ah iyo 10 dhalliilood.
Arrintaasina waxay keentay in lagu taliyo inaan fartan la qaadan. Macluumaad dheeraad ah oo fartan ku saabsan waxaa laga heli karaa qoraalada uu diyaariyey B.W. Andrzejewski oo loo yaqaano Macallinka Guush oo ku jira buugga la yidhaahdo Handbook of Somali Studies, oo uu isku dubbariddey Charles L. Geshekter iyo qoraalo kale oo ay diyaariyeen Manio, Maria: La Lingua Somala: instrumento D’insegnamento professionale. Alessandria, Italy: Ocella, 1953 iyo Moreno Mario Martino. Il Somalo della Somalia. Rome: Instituto Poligrafico dello Stato, 1955.

Farta Kaddariya
Fartan waxaa soo saaray Xuseen Sheekh Axmed Kaddare sannadkii 1952. Xuseen waxaa uu ahaa nin dhallin yar oo aad u firfircoon oo ka tirsanayd shaqaalihii Raadiyo Muqdisho. Markii dambena, waxaa uu noqdey madaxa qeybta Af-Soomaaliga ee Akademiyadii Cilmiga iyo Fanka (Somali Academy of Sciences and Arts).
Farta Kaddariya sida tan Cusmaaniyada maaysan noqon mid caan ah ama mid ay dad badani aad u yaqaano. Laakiin, waxaa ay leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan ma yeelan makiinado iyo qalab lagu garaaci karo (typewriters and printing machines) iyo qoraallo fartan ku soo baxay.
Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf iyo afar nooc oo loo qoro. Qoraalkeeda waxaa laga bilaabaa dhinaca bidixda una socotaa dhinaca midigta (from left to right). Fartan markii loo gudbiyey Guddigii Luuqadaha ee 1961-kii, waxaa ay soo jeediyeen in dhawr waxyaabood dib loogu noqdo. Kadib markii arrimahaas la soo dhammeystireyna waxay guddigi ku qiimeeyeen inay kaalinta labaad gashay (waxaa ay ku xigtey tan isticmaasha xuruufta Laatiinka oo kaalinta koowaad gashay oo uu soo gudbiyey Shire Jaamac Axmed).

Qeybtii koowaad ee qoraalkan waxaanu si kooban ugu soo qaadanay taariikhda far Soomaaliga ee ay allifeen Soomaalidu. Qeybtan labaad waxaan iyana kaga hadli doonnaa qoraalka far Soomaaliga ee ku salleysan farta Carabiga.

Sida aan horeyba u soo tilmaaney, qarnigan horraantiisa waxaa isku dayay in ay qoraal dabooli kara baahida luuqada Soomaaliga u sameeyaan Soomaali badan iyo ajinebiba. Raggaas waxaa ka mid ahaa : Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Sheekh Uweys Ibn Maxamed Al-Baraawi, Maxamed Cabdille Mayal, Cusmaan Yuusuf Keenadiid, Sheekh Cabdiraxmaan Qaadi, Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal iyo Dhamme J.S. King oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidamadii Ingiriiska.

Raggaasu dhammaantood waxay markii hore isku dayeen in qoraalka af Soomaaliga ay u adeegsadaan xarfaha af Carabiga. Laakiin dhammaantood kuma aysan guuleysan. Arrinta farsamo ee raggaas la soo deristey waxaa ugu muhiimsanaa cillad kaga timi dhinaca Shaqalada Carabiga oo dabooli kari waayay baahida luuqada Soomaaliga. Si arrintaas xal loogu helo ayaa Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil waxaa uu allifay qaab cusub oo shaqallo ah oo kaabaya shaqalladii farta Carabiga. Waxaa uu dhibco ku daray shaqaladii Carabiga si tusaale ahaan loo wada qori karo shaqalada gaagaaban iyo kuwa dhaadheer ee af Soomaaliga. Farta Carabiga sida caadiga ah waxaa loo qori karaa iyada oo laga reebo xarakada. Shaqalada gaagaaban ee af Carabiga waxaa sida qaalibka ah lagu muujiyaa xarakooyinka (vowel points). Qoraalka xarakooyinka leh ee luuqada Carabiga waxaad inta badan ku arkaysaa oo keliya kutubta diiniga ah, buuggaagta dugsiyada iyo qoraaladii waayo hore la daabacay.

Laguma qoro wargesyada, buugaagta caadiga ah iyo qoraalada ay dadku ku wada xiriiraan. Xarakooyinka af Carabigu waa afar nooc: kuwaas oo korka ama hoosta laga saaro si ay u muujiyaan dhawaaqa shaqalada gaaban ee a, i, u oo keliya. Farta Carabigu ma laha shaqalada gaaban ee o iyo e. Waxaa intaas dheer in aanay afka Carabigu lahayn saddexda shaqal ee dhaadheer ee kala ah: aa, ii iyo uu.

Sidaas darteed, af Soomaaliga way adkaaneysaa in far Carabi lagu qoro, haddii isticmaalka xarakooyinka laga reebo. Waxaa ay noqonneysaa inuu qofku ka fahmo macnaha sida weertu u qoran tahay. Taas oo aan marar badan suuro gal aheyn. Dhinaca kale haddii mar walba qoraalada la raaciyo xarakooyinka iyana isticmaalkeeda ayaa adkaanaya, iyadoo waliba uu af Soomaaligu u baahan yahay in lagu daro ugu yaraan laba xarako oo dheeraad ah.

Raggii sida aadka ah ugu doodi jirey in af Soomaaliga lagu qoro farta Carabiga waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil. Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil wuxuu qoray buug la oran jirey “The Institution of modern correpondence in Somali language.” Buuggaas wuxuu hor-dhiciisa aad ugu dooday sida ay u habboon tahay in farta Carabiga loo isticmaalo qoraalka af Soomaaliga. Sidoo kale waxaa isna doodaas oo kale soo bandhigay Dr. Ibraahim Xaashi Maxamuud oo isna qoray buug la yiraahdo “Al Suamliyah bi Lughat al Qur’an”, kaas oo la daabacay sannadkii 1963-kii. Waxaa ay soo bandhigeen far middeysan (standard orthography) iyo qoraalo kale oo tusaalooyin ah sida af Soomaaligu ugu qormayo farta Carabiga. Waxaa intaas ka soo horjeeday culimada diinta oo u arkayay in qoraalka af Soomaaligu hoos u dhigi doonno barashada af Carabiga iyo diinta Islaamka.

Maqaal uu qorey Muuse X. Ismaaciil Galaal 1954-kii ayuu isna ku soo bandhigay Far ku salleysan Carabiga oo lagu qori karo af Soomaaliga. Fartaas oo uu ku kordhiyay xarfo cusub oo uu sameeyey, kuwaas oo dabooli kara baahida luuqada Soomaaliga ee shaqalada aan ku jirin farta Carabiga. Afar nooc oo loo qori karo Soomaaliga oo dhammaantood ku salleysan farta Carabiga ayaa la soo hor bandhigay Guddigii Luuqada ee 1961-kii. Afartaas nooc raggii soo bandhigay iyo wakhtigii la soo saaray waxay kala ahaayeen sida tan:

1. Ibraahim Xaashi iyo Saaxiibadii 1960-kii.
2. Muuse Galaal 1952-kii.
3. Sheekh Axmed Cismaan 1960-kii.
4. Maxamed Cabdi Khayre 1960- kii.
Guddigii luuqadu dhammaan afartaa nooc ee ku qornaa farta Carabiga midna ma aysan qaadan. Waxayna u arkeen in lagaga habboonaa qoraalka far Soomaaliga. Taariikhda iyo aqoon intan ka ballaaran oo farahaas ku saabsan waxaad ka heli kartaa qoraal ay qoreen Andrzejewiski, B.W.; Strelcyn, S. and Tubiana, J., Somalia, The writing of Somali, Paris, 1966.

La soco qeybta 3-aad.

W/D: DALJIR ABDULLAHI NUUR
EMAIL: [email protected]/ +252 615 985482
Waana habeyntii C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY