Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta Kulan Qado ah la qaatay xildhibaanada Maamulkaasi “Sawirro”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta Kulan Qado ah la qaatay xildhibaanada Maamulkaasi “Sawirro”

SHARE

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare kulan qado ah kula yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Jowhar xildhibaanada Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Ku-xiggeenka Dawlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Gudoomiye Ku-xiggeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Cabdi xuseen Geedi, iyo Ku-xiggeenka labaad Canab Axmed Ciise, waxaana ujeedka kulanka uu ahaa kala warqaadasho la xiriira Horumarinta Hirshabelle iyo siddii la isaga kaashan lahaa xaqiijinta dadaalada lagu doonayo Maamulkaasi oo horumarsan.

Madaxweyne Waare ayaa kulankaan uga warbixiyay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle safaradii uu ugaga maqnaa caasimada Hirshabelle iyo xaalada guud ee Maamulkaasi.

Guddoomiye ku-xiggeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi oo la hadlay Warbaahinta kulanka kadib ayaa sheegay in kulankan ay sidoo kale iska wareysteen Madaxweynaha xaaladahii ugu dambeeyay Maamulka goboleedka, waxana uu xusay in Baarlamaanka Hirshabeelle uusan wax khilaaf ah ka jirin.

”Waxaan ka dhagaysanay warbixin dheer oo ku saabsan gobolka Hiiraan iyo howlihii uu ka soo qabtay gobolkaas oo guul ku so dhamaatay ” ayay tiri Guddoomiye ku xigeenka labaad Baarlamaanka Hirshabelle Marwo Canab Axmed Ciise.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, shalay ayuuna dib ugu soo laabtay magaalada caasimada ah ee Jowhar.

 

LEAVE A REPLY