Kusimaha Xoghayaha joogtada oo nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay...

Kusimaha Xoghayaha joogtada oo nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Russia

SHARE

Muqdisho(SONNA) – .Kusimaha Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Avv. Hersi Haji Olosow, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa kaga guddoomay  nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Ruushka, Mudane Mikhail Golovanov.

Kusimaha Xoghayaha joogtada ayaa urajeeyay Safiirka cusub in uu ku guuleysto howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in uu si dhammeystiran utaageeri doono xoojinta xariirka laba geesoodka ee qotada dheer u dhaxeeya labada dal ee saaxiibada ah si iskaashi dhow dhinacyo badan leh loo sameeyo.

LEAVE A REPLY