Taariikh Nololeed Marxuum Abwaan Sangub

Taariikh Nololeed Marxuum Abwaan Sangub

SHARE

Muqdisho(SONNA)–Taariikh Nololeed AHU Abwaan Sangub haddaan wax ka taa-taabano, Abwaanka Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Sangub), wuxuu ka mid ahaa Abwaanada ugu horeeya hal-abuurka Soomaalida, waana nin dad badani ku xusuustaan kaalinta uu ka soo qaatay kobcinta Fanka Soomaalida, taariikh-faneedka Sangub: Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada dhagaxbuur dhulka Is-maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, halkaas oo uu ku barbaaray. Sangub markii da’diisu shan jir gaartay ayuu ku bilaabmay u hilowga fanka.

Dhalinyaranimadiisii, wuxuu ku soo caan baxay ciyaaraha dhaqanka, gaar ahaan ciyaarta “Dhaantada” oo ah mid markuu gacanta u qaado aan cidina uga daba dabadii yeerin. Kasokow dhinaca Ciyaaraha dhaqanka Sangub, wuxuu ahaa gabayaa ka hida qaba qoysas kala duwan wada gabya, aabihii, abtiyaashii iyo walaalihii intuba way gabyi jireen. Wakhtigiii hore ma jirin waxbarasho Jaamacadeed, iskuuladuna dalka way ku yaraayeen, sidaa darteed sangub wuxuu ku dadaalay inuu barto Quraanka Kariimka.

Abwaan Sangub, markii uu barbaar noqday ayuu ayuu yimid magaalada Hargeysa, sannadkii 1961, wuxuuna tegay Idaacadda Raadyow Hargeysa, Ka dib markii uu ka helay shaqo-aan-rasmi ahayn magaalada hargaysa ayuu waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho sannadkii 1961, halkaas oo uu imtixaan u u galay, isaga iyo 21 qof oo kale , sidaas ayuuna kaga shaqo galay Idaacada Muqdisho.

Abwaanku, wuxuu noqday mid halis ku ah samaynta Riwaayadaha xiisaha leh, Guud ahaan, riwaayadihiisu, waxay u qaybsan yihiin Wadani, Jacayl iyo kuwo falsafad ku dhisan. Riwaayadii ugu horaysay ee uu sameeyay, waxaa la odhan jiray “Naga Guur” waxayna ahayd, mid Wadani ah oo uu ugu talo-galay gumaysigii Ingiriiska oo wakhtigaa Afrika inteeda badan Xukumi jiray. Sannadkii 1964-kii, ayuu sameeyay riwaayad la odhan jiray; “Lamood noqonse wayday.” Abwaan Sangub, halkaa kama harin abuurista riwaayadaha, wuxuuna xoojiyay mu’alifnimadiisii, sannadkii 1966, wuxuu sameeyay riwaayada caanka ah ee “Yaxaas dhega-duub.” Abwaan Sangub, mar la waydiiyay cidii ku dhiiri-gelisay samaynta riwaayadaha, wuxuu yidhi;

“Mu’alifiinta, qaarbaa bakhaylo ah oo aan sheegin cidii soo gacan qabatay, aniguse sidaa ma ihi oo waan sheegayaa, waayo, cidina kuma soo dhalan,” ayuu yidhi. “Riwaayadaha, waxaa igu dhiiri-geliyay Cismaan Aadan (Cismaan Askari) oo isagu aan iga harin ilaa aan ka sameeyay riwaayadihii; “lamood noqonse wayday iyo Naga Guur.” Iyo kuwa kale oo badan.

Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise wuxuu allifay heeso iyo riwaayado kala duwan, kuwaasi oo ay ka mid ayayd silsiladii jacaylada ee saddexda riwaayadood ka koobnayd ee Qabrigii Jacaylka , Xuudbaa liqay Jacaylka iyo Xuskii Jacaylka, sida ku jirtay taariikhda riwaayadda Qabrigii Jacaylka oo ka hadlaysay qisadii Cilmi Boodhari oo uu magaca ka bedelay si ay xiiso u yeelato waxa la dhigay 282 habeen ilaa markii dambe loo bixiyey magaca Qabrigii lacagta.

Sidoo kale riwaayadaha Xorriyo , Maadays , Gari makaa baxdaa (Ninba Tacabkii Talooy Kaa Maal), iskuma Qaddo , Xaajo Ugub, Geedigaa Kaa lumay, Yaxaa Dhagaduub, Geel Xero ka Didis , Halkay Qoontu Taal Takhtarkii Qali Waa , Ummad Wada Qorqodo ah baan Wax u Qeybi Leeyahay iyo kuwa kale sida Afrikaay Hurudooy.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub sidoo kale wuxuu noqday Maamulaha tiyaatarka Hargeysa ,labadii riwaayadeed ee u dambeeyey ee uu ku caan baxay waxay ahaayeen Qaybyo 1 iyo Qaybyo 2, oo allifay burburkii Soomaaliya ka dib, Waxaana la sheegaa inuu ahaa Abwaanka labaad ee Soomaali ugu riwaayadaha badan isaga oo uu ka horreeyo uun keliya Axmed Saleebaan Bidde, Allaha u naxariisto Abwaan Sangub.

W.isku soo Ururiyay C/Laahi Ruushj

LEAVE A REPLY