Taxahana Taariiklhda Maalmaha Xorriyadda Soomaalida (26 Juun)

Taxahana Taariiklhda Maalmaha Xorriyadda Soomaalida (26 Juun)

SHARE

Maadaama ay foodda nagu soo hayaan Todobaadka Xorriyadda Soomaalida ayaa waxaan maanta ku soo qaadaneynaa halgankii Xoriyodoon ee Gobolada Waqooyi ee DalkaSoomaalida, Soomaalidu ma ahan Dad la gumeysan karo, waana kuwa Jecel Dhaqdhaqaqyada Xoriyad Doonka ee Dalka ka jiray ayaa hadana Sannadkii 1960-kii waxaa xoogeystay Dhaqdhaaqyada lagu doonayay Dhaqdhaaqyada Xoriyad doonka ee Guud ahaan ka soconayay dhulka Somaalidu degto, dhaqdhaaqasi waxaa uu mid si aad ah uga socday Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee Dalkeena.

Dhammaadkii dagaalkii labaad baraarug weyn ayay dadyowgii la gumaysanayay, gaar ahaan
kuwii Afrikaanku, la hanqal-tooseen. Yaboohintii xornimada ayaa na cirka isku shareertay oo loo
qalab iyo qaylo-dhaan dirtay.

Aasaaskii iyo hanaqaadkii axsaabtii siyaasiga ahayd ee xornimodoonka Dhammaadkii dagaalka waxa lagu dhawaaqay SNL oo hore na u ahayd SNC (1935). SNL waa Xisbigii ugu horreeyey ee siyaasi ah ee la yagleelo marka laga reebo ururradii Somali Islamic Association oo xiriir toos ah inta badan iyo mid dadban lahaa halgankii siyaasiga ahaa ee Xaaji Faarax Oomaar Ileeye oo lahaa yagleelka labada hore.
SNL waxana hormuudkeeda ka mid ahaa:
1. Sheikh Cumar Askar
2. Maxamed X. Ibraahim Cigaal
3. Yuusuf Ismaaciil Samatar (Gaandi)
4. Axmed Kayse Cabdalle
5. Yuusuf X. Aadan Qabille
6. Xaaji Xasan Geelle
7. Yuusuf Iimaan
8. Cabdiraxmaan Cali (Dubbe Cali Yare)
9. Maxamed Cali Faarax
10.Sheekh Cali Ismaaciil
11. Naasir Naxar
12. X. Ibraahim Cismaan Food (Basbaas).

USP ayaa isna lagu dhawaaqay wax yar gobannimada ka hor, waxaa na hormuudkiisa ka mid
ahaa:
1. X. Ibraahim Nuur iyo
2. Cali Garaad Jaamac.

NUF, oo hore u ahaa isir loo xilsaaray soo dhicinta Hawd iyo Researve Area, Ingiriiska na
arrintaas culays ku saarayey, ayaa isna wax yar ka hor gobannimada xisbi u dhalan doorsoomay,
waxana horseedkiisa ka mid ahaa:
1. Micheal Mariano
2. Axmed Xasan.

Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Basarce/Barkhadcas) ayaynu ka soo qaadan karnaa halabuurkii ugu codka dheeraa ee dhiirranaa halgankaas dhinaca maansada waddaniga iyo xornimodoonka ah. Afafka Carabida iyo Ingiriisida, Waxa uu soo akhriyi jiray jaraa’idka oo afafka Ingiriiska iyo Carabiga ku soo kala bixi jiray. Inta uu Faras magaalaha Hargeysa yimaaddo, ayuu dadka Afsoomaali ugu turjumi jiray:
Feb 1954 Hawd and Reserve Area maalintii la bixiyay na waa kii lahaa:
“Dhallintii waddankiyo dhulkaannu nahoo
– Inaannu dhimanniyo inaannu dhacsanno
– Maantaan waxba nooga dhaxaynayneey”!!

Sir Douglas Hall oo ahaa Barasaabkii Ingiriiska ee Gobolada Waqooyi xukumayey, isaga oo 6-dii April 1960-kii la hadlayey xubnihii 33-ka ahaa ee golihii wakiillada iyo xubnihii golaha wasiirrada ee 4-ta ahaa oo shirkoodii ugu horreeyey kaga wada dooday gaaridda gobannimada iyo midnimo degdeg ah ee Gobolada Koonfureed iyo kuwa waqooyi wada galaan.

Bishii febraayo 1960kii ayaa wefti uu hoggaaminaayo Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u anbaxaxeen dalka Ingiriiska, waxaanay heshiis ay la soo galeen dawladdii ingiriiska in Gobolada Waqooyi xornimo buuxda la siiyo, waxaana suurtogalay in 26 Juun 1960kii ay aheyd markii maxmiyadii ingriiska “British Somaliland protectorate” xornimadeeda ka qaateen dawladii Ingiriiska waxayna noqotay markii ugu horeysay oo ay suurta gashay in dhulka Soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calanka Jamauuriyada Soomaaliya ka dib markii gumeytihii ingiriiska uu ogolaaday in uu xoriyada siiyo Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya waxayna taasi dhacday Saqdii dhexe ee Habeenimadii 26-kii June 1960-kii, iyadoo Fagaaraha Bartamaha Magaalada Hargeysa Xilliga 12-ka Habeenimo laga taagay Calanka Jamuuriyada Soomaaliya, waxaana Halkaas lagu saaray Calankii Soomaaliyeed iyo Dabaal dag weyn oo loo sameeyay Maalintaasi.

26-ka Juun waxay ahayd maalin taariikh weyn ku leh Ummada Soomaaliyeed, Islamarkaaisna waxay ahayd maalin ay niyada shacabka Soomaaliyeed gashay dareen farxadeed oo sida ciidda oo kale loogu dabaal dagay soo dhaweynta Calanka Jamuuriyada Soomaaliya Markii ugu horreysay laga dultaago Dhulka Soomaaliya, taasi waxay dhalisay aragti guud in Ummada Soomaaliyeed hankii ay waday Muddo Todbaan Sanno ah, iyadoo ku taameysay in Mar uun la arko dhul Soomaaliyeed oo Xor ah.

Alle ha u naxariistee C/laahi Suldaan Timacade wuxuu ka mid ahaa xilligaasi dadkii u soo halgamay, islmarkaana halganka Xorriyada u soo dhibaatooday iyo kuwa laabta ka taageersanaa ee taageerada La garabtaagnaa, kuwaasi oo damacoodu ahaa in mar uun ay naceewda Xorriyadda ay soo iftiimiso Geyiga Soomaaliyeed, waa tii C/laahi Suldaan Timacadde ka tiriyay Gabay dheer Calan saarkii lagu qabtay Fagaaraha Hargeysa, wuuna lahaa “aan siduu yahay eegnee kaasna siib kan saar”.

Guusha ay xoriyada ka gaartay Soomaalida waxaa ay soo martay Marxalado kala duwan waxaana ugu cadcadaa 13 dhalinyaro ee dhisay Ururkii SYL, waxaanse marnaba aysan Taariikhdu Iloobi doonin Halagamayashii kale sida Sayid Maxamed C/dulle Xasan, Axmed Gurey, Xaawo Taako iyo kuwo kale oo taariikh iyo xusuus dheer ku leh Taariikhda Dalkeena Soomaaliya Marka laha hadlayo Taariikhada halganka Soomaaliyeed.

Gobolada Koonufreed ee Dalka waxay weli ku sii jireen Gacanta Gumeystaha Talyaaniga oo Markaasi maamulayay Hase ahaatee Maalmo badan kama soo wareegin Markii Gumeystaha Talyaanigu uu isaguna wareejiyay maaamulka Koonfurta Dalka Soomaaliya taasi oo ku aadaneyd 1-da Luulyo 1960-kii taasi oo ahayd Afar maalmood ka dib markii Naceewda Xorriyadda laga dareemay Gobolada Waqooyi ee Dalkeena.

Maalinta 1-da Luulyo 1960-kii waxaa iyana loo dabaldagay Midowga Gobolada waqoyiga iyo Koonufrta Dalka Soomaaliya kuwaasi oo noqday Jamuuriyada Soomaaliya inay isku biiraan Gobolada Waqoyiga Dalka Iyo Kuunfurta Dalka waxay ahayd Figrad ka timid Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi iyagoo wada Calankii Soomaaaliyana ay tageen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaaliya waxaana Halkaas lagu dhisay Dowlad Soomaaliyeed oo xor ah waxaana Madaxweyne ka noqday AHN Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde) iyadoo uu raiisul wasaare ka noqday AHN C/rashiid Cali Sharmaarke Dhismahaasi Dowladeed waxaa uu salka u dhigay Nimaadka Dowladeed ee ka hirgalay Soomaaliya,iyadoo AHN Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde) markii uu qabtay talada Dalka uu bilaabay Qorshayaal lagu horumarinayo Wadanka Bacdamaa aysan Jirin Kaabayaal dhaqaale oo uu dalku lahaa waayo dalku waxaa uu ka soo kabanayay Raadadkii Gumeystaha uu ku reebay.

W.D: C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY