Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Shacabka oo kormeer ku tagay Xarumaha lagu qaadayo...

Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Shacabka oo kormeer ku tagay Xarumaha lagu qaadayo Imtixaanka Shahaadiga”Sawirro”

SHARE

Muqdisho (SONNA):-Guddiga arrimaha bulshada ee golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa koormeer ku tagay xarumaha lagu qaadayo Imtixaanka Qaran oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Xubnaha guddiga waxaa hogaaminaayay guddoomiyaha guddiga xildhibaan Cali Cismaan Xirsi iyo guddoomiye ku xigeen xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Goobaha imtixaanka lagu qaadaayay oo ay guddiga tageen waxaa ka mid ah xarumo ku yaalla dowlad goboleedyada kala ah Jubbaland, Galmudug iyo Koofur galbeed.

Sidoo kale guddiga waxa ay koormeer ku tageen xarumo iskuulo oo imtixaanka lagu qaadaayay kuwaas oo ku yaalla degmooyin ka tirsan gobolka banaadir.

LEAVE A REPLY