Qatar oo sheegtay in ay martiqaad ka heshay boqortooyada Sacuudiga

Qatar oo sheegtay in ay martiqaad ka heshay boqortooyada Sacuudiga

SHARE

Doxa (SONNA)-Qoraal ka soo baxay xafiiska boqortooyada dalka Qatar ayaa laagu yiri “waxaan martiqaad ka helnay  Sacuudi Carabiya si  aan uga qeyb gaalno kulamada xaaladaha degdegga ah ee Gacanka iyo kan Carabta ee ka dhacaya magaalada baraakewysan ee Makka.

Qatar ayaa  muddo laba sano ah waxay ka soo horjeedeen isla markaana uu khilaaf kala dhaaxeeyay wadamada Sacuudi Carabiya, Bahrain, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

Afartan dal ayaa ku soo rogay Dowladda Qatar cunaqabateyn dhaqaale iyo xayiraad diblomaasiyadeed oo soo bilowday  bishii Juun 2017 kadib markii Dowladahaasi ay Qadar ku tuhumeen inay  taageerto falalka argagixisanimada iyo xiriirka xooggan ee Iiraan, taas oo Doha marar badan ay beenisay inay aarrintaas ku lug leedaahay.

Sacuudi Carabiya ayaa ku  baaqday shirkan  in lagu qabto magaalada Makka 30-ka bishan si looga wada hadlo weerarada dagaalyahaanada Xuutiyiinta ay ku qaadeen afar markab, oo ay ku jiraan laba booyadood oo Saudi Arabia leedahay oo marayey xeebaha ka baxsan xeebta dalka Imaaraadka Caraabta toddobaadkii hore .

Bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Qadar ayaa lagu sheegay  in Amiir Tamiim Bin Xamad  uu  yiri “Martiqaad rasmi ah ayaan ka helnay Boqorka Sacuudiga Boqor Salman  Abdalla Bin Abdulcasiis ee ku saabsan ka qeyb galka Shirka.

LEAVE A REPLY