Maxakamadda Sare ee Dalka oo soo bandhigtay Shaqooyin Kalkaaliyeyaal oo bannaan

Maxakamadda Sare ee Dalka oo soo bandhigtay Shaqooyin Kalkaaliyeyaal oo bannaan

SHARE

 

JAMHUURIYADDA FEDERAALLKA SOOMAALIYA

Maxkamadda Sare ee Dalka

Ujeeddo:BaahinShaqo:

Nooca Shaqada:Kaaliyeyaal

Goobta Shaqada:Maxkamadaha Darajada Koowaad iyo Labaad ee Gobolka Banaadir.

Tirada Shaqooyinka Banaan: 50 kaaliye

Taariikhda Qabashada Codsiyadu bilaabmayaan:27/05/2019

Taariikhda Qqabashada Codsiyadu Xidhmayaan: 13/06/2019

Hordhac:

Garsoorku waa hay’adda Qaranka ee u xilsaaran ilaalinta, isku xukunka iyo ku dhaqanka sharciga, dhawrista xuquuqda Noolaha, xalinta Muranada udhexeeya dadka, ama dadka iyo hey’adaha. sidoo kale garsoorku wuxuu u xilsaaranyay ciqaabta iyo anshax marinta dambiilayaasha. Taas macnaheedu waa in garsoorku masuul ka yahay guud ahaan caddaaladda waddanka. Garsoorku waxa uu u taaganyahay u adeegidda muwaadiniinta iyo dadka kale ee daggan dalka, isagoo ka shaqeeya sidii ay u heli lahaayeen adeeg caddaaladeed oo ay aasaas u tahay eex la’aan, dhexdhexaadnimo, madaxbanaani, sinaan.

Si hadaba loo xaqiijiyo hiigsiga garsoorka waxaa lagama maarmaan ah in loo helo kaadir qaadi kara mas’uuliyadda garsoorka, kuna shaqeeya karti iyo hufnaan, kaas oo ka kooban garsoorayaal, kaaliyeyaal iyo gaarsiiyayaal.

Kaaliyahu waxuu kaga jiraa kaalin muhiim ah, gaarista hiigsiga iyo himilooyinka garsoorka, sidaasi darteed garsoorka dalku waxuu qaadanayaa kaaliyeyaal cusub si loo dardar geliyo dadaalka loogu jiro gaarista garsoor caddaalad ah.

Waajibaadka Kaaliyaha:

  1. U gudashada shaqada kaaliyenimo si ay ku jirto, hufnaan, madax banani, dhexdhexaadnimo, howlkarnimo, sinaan iyo caddaalad.
  2. U hogaansanaanta, dabaqidda iyo ilaalinta sharciga mar walba iyo xaalad walba.
  3. Ku qorista dacwadda diiwaanka guud, asaga oo u furaya gal-dacwadeed lagu keydiyo dhammaan qoraalada quseeya dawcwadda.
  4. Hubinta gaarsiinta Dhammaan ogeysiisyada maxkamadda cidda ay khusayso,asaga oo kaashanaya gaarsiiyaha.
  5. Qorista, gaadhsiinta iyo baahinta xukunada maxkamadda.
  6. Ka caawinta garsooraha habsami usocodka kalfadhiyada dacwadda.
  7. Qorista maxdarka dacwadda, iyo dhammaan qoraalada uu faro garsooruhu.

Shuruudaha qofka kaaliyaha lagu qaadanayo:

  1. Wa inuu yahay soomaali,dhimirkiisu dhanyahy
  2. Waa in uusan gelin danbi maxkamadi ku xakuntay
  3. Waa in aan da’diisu ka yareyn 20 sano.
  4. Waa inuu heysto ugu yaraan shahaadada Diploma sharciga ama wax u dhigma ama shahaado Jamacadeed sida (public relation, business administration).
  5. Waa inuu leeyahay xirfadda Qoraalka oo aad u sareysa far ahaan(qacan ku qorid) iyo computer ku qorid.
  6. Waa Inuu Aqoon fiican u leeyahay adeegsiga aaladda computerka.
  7. Waa in uu leeyahay anshax iyo sumcad wanaagsan;
  8. Waa inuu leeyahay xirfadda xariirka dadweynaha iyo wada-shaqeynta.

Sida loo soo codsanayo shaqadan:

  • Qofka daneynaaya shaqadan waxa uu ku soo diri karaa codsiyigiisa shaqo, Maclumaadka taariikh nololeedkiisa [CV] iyo nuqul kamid ah shahaadooyinkiisa jaamacadeed E-mailkan:[email protected],

Qabashada Codsiyada shaqowaxay xidhmaysaa 13/06/2019.

BAAHIN SHAQO KAALIYE (1)-1

LEAVE A REPLY