Maxakamadda Sare ee Dalka oo soo bandhigtay Shaqooyin Garsoorayaal oo bannaan

Maxakamadda Sare ee Dalka oo soo bandhigtay Shaqooyin Garsoorayaal oo bannaan

SHARE

JAMHUURIYADDA FEDERAALLKA SOOMAALIYA

Maxkamadda Sare ee Dalka

Ujeeddo:Baahin Shaqo Garsoorenimo:

Nooca Shaqada: Garsoorayaal

Goobta Shaqada: Maxkamaddaha Darajada Koowaad & Labaad

Tirada Shaqooyinka Banaan: 40 Garsoore

Taariikhda Qabashada codsiyadu bilaabmayaan: 27/05/2019

Taariikhda qabashada codsiyadu xidhmayaan: 13/06/2019

Hordhac:

Garsoorku waa hay’adda Qaranka ee u xilsaaran ilaalinta, isku xukunka iyo ku dhaqanka sharciga, dhawrista xuquuqda aadanaha, xalinta cabashooyinka u dhaxeeya dadweynaha ama muwaadiniinta iyo hay’adaha dawliga ah, sidoo kale garsoorku wuxuu u xilsaaranyay ciqaabta iyo anshax marinta dambiilayaasha. Taas macnaheedu waa in garsoorku masuul ka yahay guud ahaan caddaaladda waddanka. Garsoorku waxa uu u taaganyahay u adeegidda muwaadiniinta iyo dadka kale ee daggan dalka, isagoo ka shaqeeya sidii ay u heli lahaayeen adeeg caddaaladeed oo ay aasaas u tahay eex la’aan, fulinayaanna adeegayaal daacad ah, ammaano leh, karti iyo hufnaan leh, shaqo yaqaan ah aqoonna u leh shaqada ay qabanayaan.

Si haddabaloo xaqiijiyo ujeeddada garsoorku u taaganyay ee sare ku xusan  loona haqab tiro baahida ka jirta maxkamadaha darajada koowaad iyo darajada labaad ee ah yaraanta garsooreyaasha ka hawl gala maxkamdahaas, Garsoorka Gobolka Banaadirwuxuu qaadanayaa tiro garsooreyaal ah si loo dardar geliyo adeegga garsoorku u fidiyo bulshada soomaaliyeed guud ahaan .

Waajibaadka Garsooraha:

  1. U gudashada shaqada garsooranimo si ay ku jirto, hufnaan, madax banani, dhexdhexaadnimo, howlkarnimo, sinaan iyo caddaalad.
  2. U hogaansanaanta, dabaqidda iyo ilaalinta sharciga mar walba iyo xaalad walba.
  3. Socodsiinta, Maamulidda dhegeysiga, ka garnaqidda iyo Goaan ka gaarista. Dacwadaha si waafaqsan sharciga.
  4. Xaqiijinta in dhinacyadu helaan fursado isku mid ah maxkamadda horteeda.
  5. Qiimeynta iyo Goaan ka gaadhista cadeymaha maxkamadda la horkeeno.
  6. Samaynta cilmi baadhisyoballaadhan oo la xidhiidha dacwadaha horyaala garsooraha iyo sharciyada.
  7. U socodsiinta dacwadaha si aan daahis laheyn.
  8. Ugu adeegidda bulshada si ay ku jirto danta caddaaladda oo kaliya.

Shuruudaha qofka garsooraha loo qaadanayo:

  1. Waa in uu Soomaali yahay, dhimirkiisu dhan yahay, aan dambi maxkamad xukuntey galin isla markaana da’diisu ka yareyn 25 sano
  2. Waa in uu ka heysto Jaamacadad la aqoonsan yahay, shahaado dhanka sharci ga ah [bachelor of Sharia&law].
  3. Waa in uu leeyahay ugu yaraan khibrad hal sano ah oo la xidhiidha hawlaha sharci.
  4. Waa in uu leeyahay anshax iyo sumcad wanaagsan;
  5. Waa Inuu Aqoon fiican u leeyahay adeegsiga aaladda computerka.
  6. Waa in uu leeyahay xirfadda lagu xaliyo qilaafaadka.
  7. Waa in uu qori karo kuna hadli karo luqadaha [Afsoomaali, carabi iyo ingiris ]

Sida loo soo codsanayo shaqadan:

Qofka danaynaaya shaqadan waxa uu ku soo diri karaa codsiyigiisa shaqo, macluumaadka taariikh nololeedkiisa [CV] iyo nuqul kamid ah shahaadooyinkiisa jaamacadeed, E-mailkan:[email protected].

Qabashada Codsiyada shaqowaxay xidhmaysaa13/06/2019.

BAAHIN SHAQO GARSOORE-1

LEAVE A REPLY