Hae’adda Samofalka Qadar oo mashaariic gar gaar iyo kuwo horumarineed ka fulisay...

Hae’adda Samofalka Qadar oo mashaariic gar gaar iyo kuwo horumarineed ka fulisay Soomaaliya+sawirro

SHARE

Muqdisho(SONNA) Howlaha mashaariicda oo isugu jira kuwo gar gaar iyo mid horumarineed ayaa Hay”adda Qatar Charity waxaa ay ka fulisay magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ay ka faa,ideysteen kumanaan shacab dan yer ah iyo qoysaska haysta agoonta,mashaariicda waxay isugu jiraan waxbarashada,caafimaadka,iyo fursadaha dhaqaale abuurka uu ah dadka danyerta ah,sida uu sheegay Cabdinuur Xaaji Cali oo ah madaxa Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya.

Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Qatar Charity waxaa ay ka hirgelisay Masjid weyn oo lagu magacaabo masjid Jaamaca,kaasi oo loogu talagalay in dadka deegaanku ay cidaabada alle uga faa’ideystaan,culimada iyo shacabka deegaanka ayaana siweyn u soo dhaweyeeyay talaabadan,iyagoo (Qatar Charaty) uga mahadceliyay garab istaaga bulshada.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeybgalay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza,Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz, Cabdinuur Xaaji Cali,ah madaxa Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya,culimaa”udiin iyo qeybaha bulshada,waxaana ay ka dambeysay markii la dareemay in baahi loo qabo.

Dhinackale waxaa ay ciid siisay ilaa 500 caruur ah agoon ah kuwaasi oo o kala nool magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa,iyagoo isla Soomaaliland gaar ahaan magaalada Waridaad Masjid iyo xarun caafimaad,taasi oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Soomaaliland iyo wasiirka arrimaha bulshada.

Ilaa 11 kun oo qoys ayaa ka faaideyta barnaamijka Afurinta Qatar Charity, ee Muqdisho iyo gobolada dalka inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan,Waxaa sidoo kale jira kumanaan qoys oo kale oo ka faa’ideysta raashiin gar gaar ah oo gobolada dalka loogu qeybiyo.

Waxaa intaasi dheer ilaa 25,000 kun oo caruur agoon ah,kuwaasi oo noloshooda iyo daryeelkooda ay gacanta ku hayso Hay’adda,howlaha gar gaarka ayaa ah kuwo joogto ah,balse waxaa soo weliya howlaha afurinta iyo ciidsiinta danyerta oo sanadkasta ay bixiso.

LEAVE A REPLY