Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha Koonfur Afrika

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha Koonfur Afrika

SHARE

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayaa shalay galab si diirad loogu soo dhaweeyeye dalkaasi Koonfur Afrika.

Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo uu ugu horeeyo Jamaal Barrow Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi xubno ka socda ayaa siweyn uga qeyb qaatay soo dhaweynta wafdiga madaxweynaah Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay dalka Koonfur Afrika Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu kulammo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku-nool dalkaasi Koonfur Afrika,isagoo ka dhageysan doona warbixinno ku aadan xaaladda ay ku noolyihiin dadkaasi iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan.

Sidoo kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa lafilayaa in kulamo uu la yeesho qaar kamid ah madaxda caleema saarkaasi uga qeybgalaysa dalka Koonfur Afrika,isagoo kala hadli doona,xiriirka laba geesoodka ah ee labada dhinac.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Matamela Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

 

LEAVE A REPLY