Wax ka baro Luuqadda Afka Carabiga

Wax ka baro Luuqadda Afka Carabiga

SHARE

Luuqadda Afka Carabiga (Af-Carabi: لغة عربية) waa luuqad ay ku hadlaan in ka badan 422 Milyan oo Qof, waxayna leedahay Lahjado badan, waana mid ka mida luuqadaha Caalamka ugu Shacbiyadda badan luuqadda Afka Carabiga waxaa si gaar ah u adeegsada dadka islaamka ah waayo waxaa ku soo degay Quraanka kariimka ah.

Waxaa kale oo Afka Carabiga ku qoran Axaadiista Rasaaulka C.S, waxaa jirta in luuqadda Afka Carabigu ay raad weyn ku leedahay luqado aad ubadan sida luqadeena Soomaaliga, waxaa jira ereyo caalami ah oo caalamku isticmaalo oo asal ahaan ka soojeeda luqada Afka Carabiga waxaana ka mida Sonkor, waxaa kaloo ka mida (Alcohol)=(الكحول) (Admiral). waxaa jira kalmado badan oo si caalami ah loo isticmaalo laakiin asal ahaan ka soojeeda luqadda Afka Carabiga.

luuqaada Afka Carabiga waxaa lagaga hadlaa, ka sokoow dhulka Carabta waxaa lagaga hadlaa sida Waddamada Jad, Eratareya, Israa’iil iyo Qaramada Midoobay.

Luuqadaha ka tafiirmay:- waxaa jira Luuqado ka Tafiirmay Luuqadda Afka Carabiga Luuqadaha kala ah:-
•Af-Turki
•Af-Faarisi Waa afka Iiraan lagaga hadlo
•Af-Kurdi Waa afka ay ku hadalaan shacabka kurdida ee ku nool Wadamada Turkiga, Ciraaq, Siiriya iyo Iiran
•Af-Indunuusiyaan Waa luuqadda rasmiga ah ee Wadanka Indoneesiya
•Af-Isbaanish waa Af Waddamo badan u rasmi ah ay ku hadlaan oo ay ka mid tahay Wadanka Spanishka.

Halka uu ka soo jeedo Afka Carabiga:-

Af Carabigu waa mid ka mid ah bahda Luqadaha Semitiga, luqadahan oo u kala baxa amaba ku kala firirsan Qaradaha Afrika iyo Aasiya.

Waxaa isku soo duway C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY