Maleeshiyaad Shabaab ka tirsan oo lagu diley howlgal ka dhacay Sh/Hoose

Maleeshiyaad Shabaab ka tirsan oo lagu diley howlgal ka dhacay Sh/Hoose

SHARE

Muqdisho(SONNA) Maleeshiyadda Al Shabaab ayaa xalay isku dayey inay weeraraan Deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose iyaga oo labo jiho ka soo weeraray.

Ciidanka Xoogga Dalka ee Bariire ku sugan oo xogta weerarka Al Shabaab sii hayey ayaa waxaa maleeshiyadii soo qaaday weerarka halkaas loogu geystay Khaasaro weyn.

General Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka lugta ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey 14 kamid ah meydadka Shabaabkii Bariire soo weeraray halkaas yaaliin.

Dhanka kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo xaqiiyey in ay arkeen  meydad badan maleeshiyad Alshabaab ah oo halkaasi yaala,kadib markii ay isku dayeen in ay soo weeraraan fariisin ay lahaayeen ciidanka dowladda ee Bariire.

Deegaanka Bariire ayaa dhawaan waxaa Maleeshiyadda Al Shabaab kala wareegay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab kuwaas oo halkaas ka sameeyey howlgalo isdaba joog ah.

LEAVE A REPLY