Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Jaangoynta iyo Taya-dhowrka

Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Jaangoynta iyo Taya-dhowrka

SHARE

Muqdisho (SONNA) Kulanka guud ee Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo uu  shir guddoominayay kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ waxaa ugu horeyn lagu dhaariyay Eng Cabdullaahi Cali Xasan oo ah wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Jaangoynta iyo Taya-dhowrka,waxaana golaha u Akhriyay Xildhibaan Daahir Cabdi Cabdulaahi (DrGo)  oo ah Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa ka dooday Xisaab xirka Miisaaniyadii 2017-kii waxaana golaha u faah faahiyay Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyada ,Qorsheynta iyo la xisaabanka Hay’adaha Dowladda EE Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Siraaji.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda qaarkooda ayaa su’aalo iyo talooyinba usoo jeediyay Guddiga iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo kulanka joogay.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanadda weydiinayeen ,waxaana Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee golaha Shacabka oo kulanka soo xiray xildhibaanada uga mahad celiyay ka doodista Xisaab xirka 2017-ka,waxaana sidoo kale Xildhibaanadda Maanta Loo Qeybiyay Akhrinta 2-Aad Ee Wax Ka Bedelka Xeerka Saxaafadda JFS.

LEAVE A REPLY