Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Xilka la wareegay

Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Xilka la wareegay

SHARE

Muqdisho (SONNA) Xafladan xilwareejinta ah oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka , labada wasiir ee xilka ku kala wareegayey, xildhibaano katirsan golaha shacabka, iyo qeybaha kala duwan ee Shaqaalaha wasaaradda.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oo ugu horeyn Munaasabadda xilwareejinta ah ka hadlay ayaa sharaxay wixii u qabsoomay intii uu xilkaasi hayey, wuxuuna dhinaca kale wasiirka cusub kula dardaarmay inuu howsha halkeeda kasii wado.

Wasiirka cusub ee shaqada iyo arimaha Bulshada mudane Sadiiq Xersi Warfaa  ayaa sheegay in ay shaqo badan sugeyso, isla markaana uu  sida ugu dhaqsiyaha badan uga shaqeyn doono sidii ay u gaari lahaayeyn hadafka horumarineed oo ay tiigsanayaan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo gabagabada munasaabada ka hadlay ayaa amaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay wasiirkii hore ,wuxuuna dhinaca kale wasiirka cusub kula dardaarmay inuu si hufan I guto waajibaadka loo idmaday.

LEAVE A REPLY