Howlgallo ka dhan ah argagixisada oo laga fuliyay Gobalka Hiiraan

Howlgallo ka dhan ah argagixisada oo laga fuliyay Gobalka Hiiraan

SHARE

Balad wayne (SONNA)- Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakooy, oo la hadlay Wabaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka socdaan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, ayna jiraan duqeymo xagga cirka ah oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Cabdiraxiin Muxumed Taakooy ayaa sheegay in guud ahaan xaalada amniga ee gobolka Hiiraan ay tahay mid deggan, ayna jiraan qorsheyaal lagu xoojinayo ammaanka, si looga hortago falalka ay argagixisada ku doonayaan inay ku dhibaateeyaan shacabka, isagoo intaa ku daray in duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Gobolka lagu dilay maleeshiyaad dhowr ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

“Duqeymaha waxa ay ka dhaceen dhanka Koonfur galbeed iyo waqooyi bari goobo kaga beegan Beledweyne oo ah meelo looga shakisan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada, duqeymaha waxa ay ahaayeen kuwa bartilmaameed lala beegsaday,  qasaaro badan ayaana loogu geystay argagixisada, lamana xadidi karo tirada looga dilay maleeshiyaadka Al-Shabaab” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in magaalada Beledweyne ay ka socdaan howlgallo amni xaqiijin ah si looga hortago dhagarta ay maleegayaan Argagixisada, isagoo shacabka ku booriyay inay sii labo jibaaraan la shaqeynta laamaha ammaanka ee gobolka.

 

LEAVE A REPLY