Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo ka tacsiyadeeyey weerarkii ay ku dhinteen muslimiin...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo ka tacsiyadeeyey weerarkii ay ku dhinteen muslimiin Soomaali ay kujirto

SHARE

Muqdisho (SONNA) Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay,isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Ilaa 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo kuyaala Christchurch ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY