Madaxweynaha K/Galbeed oo maanta gaaray degmada Diin-soor

Madaxweynaha K/Galbeed oo maanta gaaray degmada Diin-soor

SHARE

Muqdisho(SONNA) Wafdigan oo uu hoggaaminayay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedada socdaalka wafdigan madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) oo ay kamid yihiin xubno isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa ah sidii uu halkaasi uga furi lahaa mashaariic horumarineed.

Waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay degmada Diinsoor maamulka degmada,shacabka mas’uuliyiin iyo saraakiil oo halkaasi ku sugan.

madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliayay degmadasi sida Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale oo loogu talagalay in loogu adeego bulshada.

LEAVE A REPLY