Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo saxiixay buugga tacsida ee dadkii ku...

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo saxiixay buugga tacsida ee dadkii ku le’day diyaaradda burburtay ee Itoobiya

SHARE

Muqdisho (SONNA)- Maarso 12 , 2019 – Iyadoo xushmad loo muujinayo dadkii ku geeriyooday diyaaradda burburtay ee Itoobiya duulimaad nambar  ET 302,  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, waxa uu saxiixay maanta oo Talaado ah buugga tacsida ee laga furay Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho.

Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr waxa uu tacsi u diray Xukuumadda iyo Shacabka Itoobiya iyo dhammaan 32 dal oo dadkooda ku naf waayay dhacdada murugada leh ee diyaaradda burburtay, isagoo sheegay inuu si dhammeystiran u garab joogo qoysaska dadka ka geeriyooday.

Subaxnimadii Axadda, 10 Maarso, diyaaradda Itoobiya nooca Boeing 737 ayaa burburtay daqiiqado kooban kadib markii ay ka kicitintay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Bole ee Addis Ababa iyadoo ku sii jeedday Nairobi, waxaana ku geeriyooday dhammaan 149 rakaab iyo sideed shaqaale.

 

 

LEAVE A REPLY