Toos U Daawo:- Aaska Qaran ee Allaha U Naxariistee Wasiir Xoosh oo...

Toos U Daawo:- Aaska Qaran ee Allaha U Naxariistee Wasiir Xoosh oo ka socota Muqdosho

SHARE

Muqdisho(SONNA):-Aaska Qaran ee Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka socoto magaalada Muqdisho iyadoo goordhow  diyaarad sida Meydka Marxuuma ay ka soo degtay garoonka Muqdisho.

Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo hadda salaadda Janaasada lagula tukaday Garoonka Aadan Cabdulle ayaa lagu aasayaa qabuuraha Isbitaalka Madiina dhabarkiisa dambe ku yaalla waxaana hadda garoonka Aden Abdulle ku sugan Guddoomiya Aqalka Sare ,Guddoomiayaha ku-xeegnka labadaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaraha XFS,guddigii loo xilsaaray Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo ka kooban Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka, Mas’uuliyiin kale iyo qaar kamid ah Culumaa’diinka Soomaaliyeed ayaana halkaas jooga.

Hadaba Halka Hoose ka Daawo Aaska Qaran ee Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Muqdisho ka socota.

MAAMUUSKA MEYDKA MARXUUM WASIIR XOOSH OO MUQDIHO LA KEENAY

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Sabti, Maarso 09, 2019

LEAVE A REPLY