Hindiya oo duqeyn xagga cirka ah ka fulisay Dhul ay maamusho Pakistaan

Hindiya oo duqeyn xagga cirka ah ka fulisay Dhul ay maamusho Pakistaan

SHARE

Muqdisho (SONNA) Diyaaradaha dagaalka ee dalka Hindiya ayaa saaka ku xadgudbay dhanka hawada Kashmiir ee ay maamulaan Pakistaan,halkaasi oo la tilmaamay in ay duqeyn ka geysteen deegaanka Balakot.

Sareeye Guuto Asif Ghafoor ayaa sheegay in ciidamada Pakistaan ay ka hortageen diyaaradaha dalka Hindiya,isla markaana aysan  jirin wax dhibaato ah oo ay geysteen gantaaladaasi lagu weeraray qeybta Kashmiir ee Pakistaan.

Hindiya ayaa sheegtay in duqeynta xagga cirka ah ee diyaaradahooda lagu bartilmaameedsaday kooxaha maleeshiyada ee ku sugan Kashmiirta Pakistaan, ka dib markii dhawaan nin isa soo miidaamiyay uu dilay 46 Askari oo Hindi ah.

Wasiir sare oo Hindiya ah ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu bartilmaameedsaday xerooyin lagu tababarto oo ku yaalla deegaanka Balakot.

LEAVE A REPLY