Cafi walaalkaa isna ha ku cafiyo, kadibna aan is wada Cafinno

Cafi walaalkaa isna ha ku cafiyo, kadibna aan is wada Cafinno

SHARE

Magaranayo Is-xilqaan ka qiimo badan inaad isku xilqaanto inaad dadkaaga oo dhibaatooyin soo ragaadiyeen, intaad dhexmarto ama aad dhex tagto aad tiraahdo Walaalayaal Qof walba Qofka uu wax ka tabanayo ha ISKA-CAFIYO, iyadoo la ogyahay in Bulshada Soomaaliyeed run ahaantii maaha dad calool xumo iyo cuqdad u dhashay inay waligood ku noolaadaan, mana aha dad aanay suuro gal ka ahayn inay iska cafiyaan dadka ay wax ka tirsanayaan, balse waxa jiray xayndaab ayku dhex noolaayeen muddooyinkii dambe oo dhan, xayndaabkaas ayaa ka dhigay ummada Soomaaliyeed inay u ekaadaan umad calool xun.!!!

Kadib taasi maxay sababtay? Waxay sababtay ” in qofkii xayndaabkaas illaahay ka badbaadiyay uu ka baqo inuu walaalkiis ku yiraa walaal igala shaqee sidii dadkeena aan xayndaabkan maxbuuska ka dhigay uga saari lahayn”, waxaana la og yahay in Qabyaaladu ay ka mid tahay xayndaabka ugu wayn ee bulshada Soomaaliyeed ilaa maanta ay la daalaa dhacayso inay ka gudubto, xaqiiqda jirtaana waxay tahay inuu qof walba oo Soomaali ahi ogyahay inay Qabyaaladu khayrkeen inaga reebtay.

Haddaba ma sidaas ayaynu abidkeen Qabyaalada maxbuus ugu ahaanaynaa? Ma sidaasi ayaynu u daawanaynaan sida ay maalin walba laba qof oo walaalo Soomaaliyeed ah u kala dilayso Qabyaaladu? Xaalkeena waad arkaysaane Ilaa Goorma Dee?!!!.

Walwalka ugu badan ee shaqsiyan aniga I hayaa wuxuu yahay ”qofka dareensan dhibkay Qabyaaladu u gaysatay isaga natiijadeedana og walina aan cashar ka baran Iyo ka ogaaday dhibkeeda casharna ka bartay laakiin aan ka wacyi-galin karin walaaladaa wali dhibtii ku jira”.

Gunaanadkii qoraalkaygan oo taxane noqon doona waxaan soo jeedinayaa Talooyin dhowr ah:-
1:- Inaan ku dhiiri galino Shaqsiyaadka ogaaday Qabyaalada dhibkeeda casharna ka bartay laakiin aan ka wacyi-galin karin walaaladaa wali dhibtii ku jira ay ku dhiiradaan inay ka qayb qaataan inay ka shaqeeyaa sidii dadkaas qabyaaladu colaadisay isku cafin lahaayeen. Marka koowaad.

2:- Intaas markaan samayno waa inaan sida haddaba ay sameeyaan Teamka ama koox_Cafis aynu ka shaqayno siday isku cafin lahaayeen, qeybna uga qaadan lahaayeen sidii dadka kalana isku cafin lahaayeen.

3:- Teamka_Cafis way is-xilqaameen laakiin kaligood wax ma qaban karaan xaqiiqdii waxaa loo baahan yahay qofwalba oo Soomaaliyeed goobta uu joogo inuu noqdo qof isku xilqaama inuu ka shaqeeyo CAFIS.4:- Waxay dadka qaar is waydiin karaan Siduu qofwalba meesha uu joogo kaligii cafis uga shaqayn karaa? Waadka shaqayn kartaa kaligaa sidee haddaba?
A:- Marka koowaad adigu noqo Cafiye oo iska cafis dadka wax kaa tirsanaya iyo kuwaad wax ka tirsanaysaba, markaad adigu wax cafiso ayaa lagu cafin karaa.
B:- Kadib adiga iyo kiwii aad cafisay iyo intii ku cafisay kawada shaqeeya siday dadka kalana isku cafin lahaahyeen.
C:- Waxaa iyana muhiim ah inaad dadka u sheegto cafisku inuu caafimaad yahay oo uu if iyo aakhiraba ku anfacayo, qabyaaladuna xun tahay.

W/Q Abdirahman Ahmed
La soco qaybta labaad

LEAVE A REPLY