Boliiska Hindiya oo qabtay Khaad loo ekeysiiyay Shaah

Boliiska Hindiya oo qabtay Khaad loo ekeysiiyay Shaah

SHARE

New Delhi-(SONNA)-Boliiska Garoonka Diyaaradaha Delhi Airport ee Dalka  Dalka Hindiya, ayaa Gacanta ku dhigay 600 kg oo Khaad ah, laguna soo qariyay 17 Baakid oo ah kuwa Shaaha lagu keeno, sida ay qortay Jariiradda Industan Times.

Khaadkan oo ah nooca qallalan ayay Saraakiisha Boliisku sheegeen in laga keenay 2-dii Bishan Dalka Itoobiya, iyadoo Kiiska arrintan ku aaddanna loo xiray Laba Nin oo ka soo jeedda Itoobiya iyo mid ka mid ah shaqaalaha Madaarka Delhi.

Khaadka la qabtay ayaa Dalka Hindiya lagu geliyay Saddex Duullimaad oo kala duwan, kaas oo qiimahiisa lagu qiyaasay $2.4 million, sida ay sheegeen Saraakiisha Boliiska.

Sarkaal ka qariyay Magaciisa ayaa sheegay in ay ka war heleen xogta Khaadka 30-kii January ee Sanadkan, isagoo sheegay in ay Isha ku hayeen Diyaaradaha ka yimmaadda Afrika.

Dalka Hindiya ayaa ka mid ah Waddamada uu mamnuuca ka yahay Maandooriyaha Khaadka, iyadoo Qofka lagu qabto uu muteysanayo Xabsi iyo ganaax.

LEAVE A REPLY