Halgamaa Muuro; Halyey Qaran oo naga baxay

Halgamaa Muuro; Halyey Qaran oo naga baxay

SHARE

Innaa Lillaahi Wa’inaa Ilaah Rajicuun Geeridu waa xaq. Waxaa Umadda Soomaaliyeed  ka baxay dhawaanna ku geeriyooday magaalada Nayroobi, Halgamaa ka mid ahaa horseedkii S.Y.l Maxamud Yusuf Aden “Muuro” wuxuuna ka mid ahaa hogaamiyayaashii Leegada ee kor u hayay Shucladdii Gobanimadoonka.

Taariikhda sida wayn loogu xasuusto waxaa ka mid ah, wuxuu ahaa halyay Naftiisa u hibeeyay sidii Soomaaliya ay  gobanimo ku gaari lahayd.

Sababta keentay in Maxamuud yuusuf Muuro in uu iska dhigo AUN C/llaahi Ciise, islamarkaana uu cirbada sunta ah u qaatay waxay ahayd, in lagahortago Gumaystaha oo doonay in uu qaab shirqool ah kaga hortago si qadiyadda aaya katalinta Soomaaliyeed u gaarin Fagaarayaasha Caalamka.

28-10-1948dii AUN C/llaahi Ciise ayaa u dhoofayay dalka dibadiisa si uu uga qaybgalo shir ka dhacayey Faransiiska gaar ahaan lexuss oo ay soo qaban qaabiyeen Wasiiradii Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo Ingiriiska oo 5tii ilaa lixdii may 1948 ku shiray London heshiiskaasi oo la magac baxay “Sforza-Bevin plan oo Four Power Commission uga hadlayeen arrimaha Soomaaliya.

Isticmaarkii Ingiriiska wuxuu ugu talagalay in uu ku mudo Talaal sun ah AUN C/llaahi Ciise Maxamuud oo ahaa hogaamiye soomaaliyeed oo xorinimo u dirir ahaay waxaa C/llaahi Ciise iska dhigay oo run ahaantiina ay isku suuro ekaayeen Marxuum: Maxamud Yuusuf Aadan Muuro oo cirbadii talaalka ee sunta aheeyd lagu duray wuxuuna ka dhaxlay cirbadaasi xanuun  uu sariir u saarnaa waqti badan Marxuum: Maxamud Yusuf Muuro wuxuu cirbadaasi sunta ah u qaatay in uu badbaadiyo qaranimada iyo madax-banaanida soomaaliya.

Dhawaan ayuu ku geeriyooday Guri uu ka deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Maalinimada bari ah ayaa lagu Aasay Qubuuraha Laangaata ee isla Magaaladaasi,Allaha u naxariisto Marxuum Maxamuud Yusuf Aden Muuro  dhamaan Ummada Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo

W/D Abuukar Goobdoon

LEAVE A REPLY